Shirka Wasiirada Warfaafinta DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo War-Saxaafadeed Laga Soo Saaray.

0
Monday August 19, 2019 - 13:04:53 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 30
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Wasiirada Warfaafinta DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo War-Saxaafadeed Laga Soo Saaray.

    Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada Soomaaliya ayaa shir wada-tashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlay iskaashiga labada heer ee wasaaradaha gaar ahaan dhanka wacyigelinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada Soomaaliya ayaa shir wada-tashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlay iskaashiga labada heer ee wasaaradaha gaar ahaan dhanka wacyigelinta.


Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Daxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xasan Axmed, Warfaafinta Koofur-Galbeed Ugaas Xasan Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan, Wasiirka Warfaafinta Hirshabelle Cabdiwali Maxamed Cabdi, Mas’uuliyiin ka socota Dowladda Jubbaland, Agaasimeyaasha guud, madaxda warbaahinta dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed CabdiXayir Maareeye ,oo shirka furay ayaa sheegay in shirkani uu qeyb ka yahay shirar wada-tashi ah, oo aywasaaraduhu si joogto ah u yeelan jireen.

Wasiirrada iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad-goboleedyada, ayaa shirka si gaar ah diiradda ugu saaray horumarinta Wasaaradaha iyo hay’adaha Warbaahinta ee heerarka kala duwan ee Qaranka, iyadoo la wadaagayo khibradaha iyo kheyraadka la heli karo.

Waxyaabaha shirkan lagu lafo guray waxaa kaloo ka mid ah mideynta dadaalada hirgelinta wacyigelinta la xiriirta arrimaha Xagjirnimada, Argagixisada, Dowlad-wanaagga, Doorashooyinka, Dhamaystirka Dastuurkaiyo arrimaha bulshada, iyadoo la raacayo Istiraatiijiyadda Qaran ee Wacyigelinta, oo ay wasaaraduhuansixiyeen sanadkii 2018-ka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip