Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo La Wareegay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo.

0
Sunday August 18, 2019 - 13:45:48 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo La Wareegay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo.

    Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed qeybta 43aad eyaa waxaa ay howlgallo ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamimeysa ay sheegeen in Ciidamadu ay deegaano dhowr ah kala wareegeen Al-Shab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed qeybta 43aad eyaa waxaa ay howlgallo ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamimeysa ay sheegeen in Ciidamadu ay deegaano dhowr ah kala wareegeen Al-Shabaab.


Howlgalka ayaa sigaar ah waxaa ay uga dhaceen deegaannada Cabdi afeey iyo Baar-macallin oo dhinaca  galbeed  uga beegan 45km degmada Baardheere,waxaana la sheegay inay deegaannadaas horay ugu sugnaayeen ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 49ad ee guutada 10aad Dhame Cali Maxamed Xasan ayaa sheegay in Goobaha ay howlgalka ka fuliyeen ay Al-Shabaab mudo gacanta ku hayeen,hayeeshee ay haaan Ciidamada la wareegeen,isla markaana howlgallada ay ahaayeen kuwa qorsheysan.

Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gobolka Gedo ayuu ugu baaqay inay Ciidamada kala Sahqeeyaan dhanka Amniga,sidoo kalena Ciidamada Dowladda ay diyaar u yihiin inay Shabaab ka saaran deegaannada Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dhanka Kale Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ciidamadu ay la wareegeen tuulooyin ay ku sugnaayeen Al-shabaab,waxaana kamid ah Cabdi afeey iyo Baar-macallin oo hoos yimaada degmada Baardheere.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in shidaal iyo agab kale oo ay lahaayeen Al-shabaab ay la wareegeen Ciidamada dowladda ee fuliyay howlgalkaas.

Howlgallada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada dowladda ay howlgallo kala duwan ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip