Guddoomiyihii Baarlamaanka Jubbaland oo Mar Kale Dib Loo Doortay Doorasho Ka Dhacday Kismaayo -Sawirro

0
Saturday August 17, 2019 - 13:10:06 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii Baarlamaanka Jubbaland oo Mar Kale Dib Loo Doortay Doorasho Ka Dhacday Kismaayo -Sawirro

    Waxaa goor dhow soo gabagabowday Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland oo ka dhacday Kismaayo, iyadoo doorashada aheyd mid si toos ah looga daawanayay qaar ka mid ah Telefishinada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goor dhow soo gabagabowday Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland oo ka dhacday Kismaayo, iyadoo doorashada aheyd mid si toos ah looga daawanayay qaar ka mid ah Telefishinada.


Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ku tartamay labo musharax oo kala ahaa Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan iyo Xuseen Shiilow Cali.

Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa mar kale dib loogu doortay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, isagoo helay codod dhan 55 cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayay Xuseen Shiilow uu helay 18 cod.

Xuseen Shiinow oo ah musharaxa laga guuleystay ayaa u hambalyeeyey Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa noqday guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland, isagoo sheegay inuu ku qancay qaabka looga guuleystay.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa isna loo doortay Aadan Khaliif Xaaji oo keligiis tartamayay, waxaana Xildhibaanada ay ugu codeeyeen qaab gacan taag ah, maadaama aanay jirin cid la tartantay, Guddoomiye kuxigeenka labaad ayaa waxaa loo doortay Cabdi Baalley Cismaan.

Hoolka doorashada ka socotay ayaa waxaa ku wada sugnaa, Xildhibaanada Jubaland ee la dhaariyey dhammaantood,Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti-sharaf kale.

 

22-ka bishan oo ku beegan Khamiista soo socota ayaa la filayaa inay ka dhacdo magaalada Kismaayo doorashada Madaxweynaha Jubbaland.















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip