Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland Oo Goordhow Bilaabaneysa -Sawirro

0
Saturday August 17, 2019 - 11:01:22 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland Oo Goordhow Bilaabaneysa -Sawirro

    Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Goordhow ka bilaaban doonta Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland iyo labadiisa ku xigeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Goordhow ka bilaaban doonta Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland iyo labadiisa ku xigeen.


Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ku tartamaya ilaa shan musharax,kuwaasi oo ku sugan Hoolka Doorashada ay ka bilaaban doonto,waxaana socota qaban-qaabadii ugu dambeysay.

Sidoo kale hoolka Doorashada ayaa waxaa ku wada sugan, Xildhibaanada Jubaland ee la dhaariyey dhammaantood,Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti-sharaf kale.

Xubno ka socda beesha Caalamka ayaa goobjoog ka noqon doona Doorashadda guddoonka baarlamaanka Jubbaland ee maanta dhaceysa, mana jiro wafdi ka socda dowlada Somalia oo doorashadan goob jog ka noqon doona.

Sidoo kale, waxaa magaalada Kismaayo ka dhacaya 22-ka bishan doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo ay u taagan yihiin Musharaxiin uu ka mid yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee maamulkan Axmed Madoobe

Ammaanka goobta doorashadu ka dhaceysa ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,isla markaana waxaa si Wadajir ah u sugaya Ciidamada nabadgalyada dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Midowa Afrika ee Ciidamada AMISOM.













 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip