Madaxweyne Laftagareen oo Guddi u Saaray Dilalkii Ka Dhacay Magalada Baydhabo (Akhriso)

0
Monday August 12, 2019 - 17:35:04 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 32
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Laftagareen oo Guddi u Saaray Dilalkii Ka Dhacay Magalada Baydhabo (Akhriso)

    Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdulcasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa magacaabay guddi loo xil saaray in baaritaan ku sameeyeen dadkii shacabka ahaa ee 9kii Bishan August 2019 lagu dilay beer kutaala duleeka Magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdulcasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa magacaabay guddi loo xil saaray in baaritaan ku sameeyeen dadkii shacabka ahaa ee 9kii Bishan August 2019 lagu dilay beer kutaala duleeka Magaalada Baydhabo.


Guddigan oo ka kooban ilaa 9 xubnood ayaa isugu jira xubnaha golayaasha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed,laamaha ammaanka,maamulada gobolka iyo kan degmada Baydhabo,waxaana ay baaritaan ku sameyn doonaan dhowr qof oo siyaabo kala duwan dilal loogu geystay magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen ayaa dhawaan hadal uu jeediyay waxaa uu ku sheegay in aan loo baahnayn in xiligan colaado sokeeye dib loogu laabto,taasi oo uu ku tilmaamay mid dhibaato ku ah horumarka bulshada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdulcasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka,si looga guuleysto cadowga Alshabaab.

Dadkii dhawaan la dilay waxaa kamid ahaa Siyaasi hore ahaana ganacsade caan ahaa Marxuum Cali Aadan(Marguus),taasi oo ay ka nexeen bulshada Soomaaliyeed, guud ahaan gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii xubnaha Guddiga ayaa markii ay soo gebagebeeyan baaristooda waxaa looga fadhiyaa in ay soo gudbiyaan si loo wajoho ka hortaga dhibaato kale iyo waxyaabihii sababay intuba.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Guddiga uu Magacaabay Madaxweynaha KGS




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip