Madaxweyne Farmaajo oo Salaadda Ciida Ku Tukaday Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada -Sawirro

0
Sunday August 11, 2019 - 13:53:17 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Salaadda Ciida Ku Tukaday Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada -Sawirro

    Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carafo ku tukaday Masjidka Shuhadada Madaxtooyada Qaranka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carafo ku tukaday Masjidka Shuhadada Madaxtooyada Qaranka.


Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sannadkan gudanaya waajibaadka xajka Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo acmaashooda suubban.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iscaawiyaan si farxadda ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ku boorriyay inay dowrkooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka cadawga qawleysatada ah ee u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.














Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip