
R'W Khayre oo Shacab Farabadan Salaadda Ciidda Kula Tukaday Masajidka Isbahaysiga -Sawirro
Raiisul wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Khayre, madax kale oo ka tirsan Dowladda, xubnaha golayaasha kaladuwan ee dowladda ayaa si wadajir ah boqolaal dadweyne ah ugala dukaday salaadda Ciida Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay mar walba noqdaan kuwa Nabada kala Shaqeeya Hay’adaha Amniga Soomaaliya,kuwaas oo mar walba u taagan sugida Amniga dalka.
Madaxdan ayaa shacabka Soomaaliyeed dhamaantood ugu hambalyeeyey dabaal dega munaasabadda ciidul fitriga, maadaama ay guteen waajibaadkii alle uu saaray, isla markaana waxay u rajeeyeen umadda Soomaaliyeed in ilaahay uu dhibta ka saaro.
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isna saraakiil iyo ciidamo ka tirsan xooga dalka kula tukaday xarunta wasaarada gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.
R'W Khayre oo Shacab Farabadan Salaadda Ciidda Kula Tukaday Masajidka Isbahaysiga -Sawirro
Iyadoo maanta magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka si weyn looga ciiday munaasabadda Ciidaul Fitriga ayaa madaxda Qaranka waxaa ay boqolaal dadweyne ah Salaadda Ciida kula oogeen Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho.