Malaayiin Xujey Ah oo Maanta Gudanaya Rugniga ugu Weyn ee Acmaasha Xajka.

0
Saturday August 10, 2019 - 13:05:54 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Malaayiin Xujey Ah oo Maanta Gudanaya Rugniga ugu Weyn ee Acmaasha Xajka.

    In ka badan labo milyan oo Xujey ah ayaa maanta taagan Buurta Carafo, iyagoo gudanaya rugniga ugu weyn ee acmaasha Xajka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In ka badan labo milyan oo Xujey ah ayaa maanta taagan Buurta Carafo, iyagoo gudanaya rugniga ugu weyn ee acmaasha Xajka.


Xujeyda ayaa maanta oo dhan joogi doona Carafo, halkaasoo ay ku dukan doonaan salaadaha duhur iyo casir oo min labo rakcood ah, waxaana Xujeydu salaada casir kaddib illaa qoraxda ka dhacdo ay wadi doonaan Alla bari iyo ducooyin.

Sidoo kale Xujeyda ayaa marka ay qoraxdu dhacdo waxay aadi doonaan dhanka Musdalifa, si ay habeenkooda ugu qaataan Alle bari, ama ay u dhameystiraan waajibaadkooda xajka, waxaana ay isku jamcin doonaan salaadda maqrib iyo cisho.

Muslimiinta kale ee ku nool Caalamka daafihiisa ayaa maanta soona maalinta sagaalaad ee Carafo, si ay dambi dhaaf iyo Ajar u weydiistaan Alle.

Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sanadkan soo kordhisay adeegyo kala duwan, iyadoo ay diyaarisay kumanaan kun oo ciidamo ka qeyb qaadanaya howlaha xajka.

Maalinta berri oo ah Maalinta Ciidul Adxa ayaa ah ciidaha uu Islaamku weyneeyo, waxaana looga baahan yahay Muslimiinta inay sadaqo la baxaan, qofkii awoodana uu gowraco neef, islamarkaana uu siiyo dadka danyarta ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip