Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Amar Ku Soo Rogay Ciidanka Xoogga Dalka ee Baydhabo.

0
Saturday August 10, 2019 - 09:46:23 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 27
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Amar Ku Soo Rogay Ciidanka Xoogga Dalka ee Baydhabo.

    Waxaa shalay duleedka magaalada Baydhabo ka dhacay dilal argagax leh oo ku saleesnaa muran dhul beereed oo loo geestay dad shacab ah uu ku jiray ganacsade weyn oo caan ka ahaa deegaanada Koonfur Galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa shalay duleedka magaalada Baydhabo ka dhacay dilal argagax leh oo ku saleesnaa muran dhul beereed oo loo geestay dad shacab ah uu ku jiray ganacsade weyn oo caan ka ahaa deegaanada Koonfur Galbeed.


Dilalka ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaateen ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya , ciidamadan ayaana duleedka Baydhabo beer kutaala ku dhax dilay dad shacab ah.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay in dhibaatooyinkii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo iyo duleedkeeda ay qeyb ka ahaayeen ciidamo ka tirsan Milateriga.

Waxaa uu ku amray Saraakiisha Ciidamada inay gacanta ku soo dhigaan ciidamadii ka dambeeyay dilkii Ganacsade caan ah oo shalay lagu dilay duleedka Baydhabo.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa soo saaray amar ku aadan in hub lagu dhex qaadan karin gudaha magaalada Baydhabo, waxaana uu sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay ku laabtaan xeryahooda oo aanay magaalada lagu arki karin.

"Kuwa dilalka iyo dhibaatada geystay ee sida xun u fikiraya waa kuwo ka tirsan ciidamada, in umadda ay dib ugu soo noqdaan oo dhib u geystaan waa wax aan la aqbali karin, kuwa gacan ku dhiiglayaasha gacanta ayaa lagu soo dhigayaa, si loo maxkamadeeyo”ayuu yiri Madaxweynaha Koofur Galbeed.

In ka badan shan ruux ayaa shalay siyaabo kala duwna loogu dilay magaalada Baydhabo iyo duleedkeeda, waxaana dilalkaas ay salka ku hayeen aanooyin qabiil ka dhashay is qabqabsi dhul la isku heystay.

Magaalada Baydhabo ayaa wali waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay dilalkii shalay ka dhacay Magaalada, waxaana heegan la galiyay Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip