Ahlusunna oo Dhaqdhaqaaq Ciidan Ka Bilowday Magaalada Dhuusamareeb.

0
Saturday August 10, 2019 - 09:25:20 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahlusunna oo Dhaqdhaqaaq Ciidan Ka Bilowday Magaalada Dhuusamareeb.

    Ciidamadii Ahlusuna ee ku biiray Galmudug ayaa xalay illaa saaka dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayana inay kaga baxaan Heshiiskii ay galeen dowladda Federaalka ka wadaan magaalada Dhuusamareeb.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamadii Ahlusuna ee ku biiray Galmudug ayaa xalay illaa saaka dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayana inay kaga baxaan Heshiiskii ay galeen dowladda Federaalka ka wadaan magaalada Dhuusamareeb.


Sida wararku sheegayaan Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa lagu arkayay xaafadaha Dhuusamareeb, waxaana dadka deegaanka ay walaac ka muujiyeen dhaq dhaqaaqan cusub inuu dhaliyo isku dhac hubeysan horseedo xaalad

Wararka Ka Imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyada cusub ee Ahlusuna ka wado Dhuusamareeb uu la xiriiro sidii amniga guud ee magaalada iyo garoonka diyaaradaha ay dib ula wareegi lahaayeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada lagu arkay Dhuusamareeb ay yihiin kuwii dhowaan la isku dhafay ee dowladda Federaalka ay sheegtay in la qarameeyay.

Amniga Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa waxaa dhowaan lagu wareejiyay Ciidamada Danab ee ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, sidoo kale dowladda Federaalka ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday in mas’uuliyadda amniga garoonka ay la wareegtay dowladda.

5-tii bishan ayay aheyd markii qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir oo ka tirsan Hoggaanka Ahlusuna ayaa walaac lagu muujiyay dhaq dhaqaaqyo ay wado dowladda Federaalka, waxaana ay shaki geliyeen heshiiskii dowladda Federaalka ay la galeen, isla markaana dowladdu qaaday qorshayaal aanay isku ogeyn oo xadgudub iyo balan-ka bax ah ku ah heshiiska.

Warqad loo diray Xafiisyadda Madaxweynaha , Ra’iisul Wasaaraha iyo Qaramada Midoobey ayaa muujisay tabashadda ay qabaan Ahlusunna waxaana ay sheegeen hadii laga jawaabi waayo Cabashooda ay qaadi doonaan tilaabo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip