Dowladda oo Sheegtay in Aysan Aqoonsan Doonin Natiijada Ka Soo Baxda Doorashada Jubbaland.

0
Friday August 09, 2019 - 13:10:38 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 86
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo Sheegtay in Aysan Aqoonsan Doonin Natiijada Ka Soo Baxda Doorashada Jubbaland.

    Wasaraadda arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war ay soo saartay waxaa ay ku faah-faahisay go'aanka Dowladda Soomaaliya ee ku aadan doorashada Jubbaland iyo habka ay ku socoto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaraadda arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war ay soo saartay waxaa ay ku faah-faahisay go'aanka Dowladda Soomaaliya ee ku aadan doorashada Jubbaland iyo habka ay ku socoto.


Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in aan la aqbali doonin natiijo kasta oo baal marsan Dastuurka iyo shuruucda dalka oo ka soo baxda doorashada Jubbaland.

Wasaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maamulka Jubbaland hor dhigtay Saddex qodob oo kala ah Odayaasha soo xulaya xildhibaanada la waafajiyo Diwaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, in Marka hore la soo dhameystiro xildhibaanada ka dibna ay iska dhex doortaan Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga doorashooyinka Jubbaland iyo in doorashu ku dhacdo si xor iyo xalaal ah.

Tallaabadan ayaa sii xoojineysa khilaafka ka taagan hannaanka doorasho ee Jubbaland, iyadoo horay dowladda Federalka uga soo horjeesatay qaabka wax u socdaan.

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka:-






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip