IGAD Oo Ka Hadashay Mowqifkeeda Doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.

0
Thursday August 08, 2019 - 17:21:30 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 32
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IGAD Oo Ka Hadashay Mowqifkeeda Doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.

    Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr, Maxamed Guyow ayaa soo gabagabeeyay safar qiimeyn ah oo uu maalmahan ku joogay magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr, Maxamed Guyow ayaa soo gabagabeeyay safar qiimeyn ah oo uu maalmahan ku joogay magaalada Kismaayo.


Wakiilka IGAD oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo, ka hor inta uusan ka soo dhoofin, waxaa uu kaga hadlay dhaq dhaqaaqyada doorashada iyo safarkiisa, isagoo xusay in waxyaabihii uu kala kulmay la wadaagi doono wakiilada beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Muqdisho.

Mr Guyow ayaa la kulmay Guddiga doorashada, Musharaxiinta is diiwaan gelisay iyo Musharaxiinta is bedel doonka ee aan is diiwaan gelin, odayaasha dhaqanka, iyo bulshada magaalada.

Waxaa uu sheegay in habka ay u socoto doorashada ay la wadaagi doonaan beesha Caalamka oo il gaara ku heysa doorashada qabsoomeysa 24-ka bishan.

Wakiilku ayaa sheegay in IGAD ay caddeynayso in ahmiyad gaar ah ay leedahay doorashooyinka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha ee Jubbaland ka dhacaya, taasoo horay u sii wadaysa geedi socodka yagleelida Dowladnimada iyo maamul wanaaga kuwaas oo xoojin doona amniga xasiloonida iyo kobaca hormarka bulshada.

Dr Maxamed Guyow wakiilka IGAD wuxuu intaas ku daray in uu adkaynayo baahida loo qabo qabsoomida doorashooyin madax banaan oo qaab hufan ku dhaca oo loo siman yahay taas oo waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dowladda Federaalka iyo Dastuurka Dowlad Goboleedka Jubbaland, si arintan loo xaqiijiyo waxaa uu tilmaamay in Shacabka iyo hoggaanka Jubbaland ay ugu baaqayaan in nabada iyo xasiloonida laga wada shaqeeyo wuxuu intaas ku daray in wixii cabashooyin ah ee soo baxa wada hadal lagu dhameeyo iyadoo shacabka loo turayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip