Taliyeyaasha Booliska Jubbland iyo AMISOM oo Kormeeray Xarunta Doorashada -Sawirro

0
Thursday August 08, 2019 - 17:10:39 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyeyaasha Booliska Jubbland iyo AMISOM oo Kormeeray Xarunta Doorashada -Sawirro

    Taliyaha Booliska AMISOM qeybtooda ku sugan Kismaayo ayaa maanta Kormeeray halka la qorsheeyay in lagu qabto doorashada madaxtinimo ee dhamaadka bishan ka dhaceysa magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Booliska AMISOM qeybtooda ku sugan Kismaayo ayaa maanta Kormeeray halka la qorsheeyay in lagu qabto doorashada madaxtinimo ee dhamaadka bishan ka dhaceysa magaalada Kismaayo.


Kormeerkiisa waxaa ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland Col. Maxamed Naasir, kaasoo ku soo wareejiyay qeybaha ay ka kooban tahay halka doorashada ay ka dhaceyso, isagoo warbixin ka siiyay sida ay shaqada u socoto iyo heerka uu gaarsiisan yahay ammaanka goobta.

Xarunta lagu qabanayo doorashada waxey ku taallaa kasoo horjeedka xarunta Baarlamaanka Dowlad goboleedka Jubbaland Ex-Caymiska, waxaana halkaas la filayaa iney amaankeeda la wareegaan Ciidamo isugu jira kuwa Booliska Jubaland iyo Ciidanka Booliska AMISOM.

Sarkaalkan AMISOM ka socday ayaa Ciidamada Soomaalida kula dar daarmay iney sare u qaadaan heerka feejignaantooda, isagoo balan qaaday iney diyaar u yihiin wixii taageero ah inta aan la gaarin doorashada, isagoo sidoo kale balan qaaday iney doorashada ka horba ay geyn doonaan goobta Ciidamada AMISOM ah.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Amisom iyo madaxweynaha Jubbaland ayaa bilowgii todobaadkan isku afgartay iney wadajir uga shaqeeyaan ammaanka goobta doorashada ay ka qabsoomeyso, si looga hortago falal ammaanka carqaldeynaya.

Kismaayo ayaa isu diyaarineysa doorasho madaxweyne, iyadoo doorashada sanadan ay ka xiiso badan tahay tii dhacday sanadkii 2013, waxaana muddooyinkan taagnaa khilaaf u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedka Jubbaland oo ku aadan hannaanka doorashada u dhaceyso.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip