Madaxweyne Deni oo Si Kulul u Weeraray Hab Dhaqanka Madaxda Dowladda Soomaaliya.

0
Saturday July 20, 2019 - 19:03:24 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 88
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni oo Si Kulul u Weeraray Hab Dhaqanka Madaxda Dowladda Soomaaliya.

    Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay Mashruuca Waxbarasho oo ballaaran, kaasoo halku dhigiisu yahay Waxbarashadu yeyna ku Seegin, ama "Education cannot Wait".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay Mashruuca Waxbarasho oo ballaaran, kaasoo halku dhigiisu yahay Waxbarashadu yeyna ku Seegin, ama "Education cannot Wait".


Mashruucaan in muddo ah howshiisa laga soo shaqaynayay waxaa ka faa’idaysan doona 40,000 arday oo ku nool gobolada kala duwan ee Puntland, waxaana sidoo kale uu taageeri doonaa dhinacyada tababarada Shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada, Macallimiinta iyo sidoo kale ardayda kuwa baahiyaha gaarka ah ay haystaan.

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Mashruucaan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu u leeyahay ardayda Puntland.

"Mashruucaan waxaan rajeynaynaa inuu saldhig u noqon doono inaysan marnaba jirin sabab ay ardaydu uga baaqdaan Waxbarashada oo mar walba iyo duruuf walba oo jirta ay la jaan qaadaan Tacliinta”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa madaxda Wasaarada Waxbarashada ku booriyay inay si hoose u eegaan Waxbarashada dadka reer guuraaga ah oo kamida ah meelaha la qorsheeyay inay mashruucaan ka faa’idaystaan.

Ugu danbayn Madaxweynaha dowladda Puntland madane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahahceliyay wasaarada Waxbarashada Puntland iyo hay’adaha gacanta ka gaystay isagoona kula kula dar-daarmay in mashaariicdaan iyo kuwa lamidka ah la dhowro siday tahayna ay u fulaan, la hareer marin, la lexjeclaysan la musuq maasuqin meeshay ku baboon tahay la marsiiyo.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa si kulul u weeraray hab dhaqanka dowlada federaalka Somalia oo uu ku eedeeyey iney kala dhantaaleyso shacabka iyo maamulka Puntland.

Waxaa uu sheegay in dowlada Somalia ay lacago soo gelisay gudaha Puntland, iyadoo aan loo soo marin nidaamka Maaliyadeed ee Puntland u yaalla, taasi oo uu ku tilmaamay sharci-darro iney tahay.

Deni ayaa intaa ku daray Puntland ay abaal ku lahayd dhismaha dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in ay Puntland lacago ugu deeqi jirtay dowladdii KMG ahayd ee uu hogaaminayey Madaxweyne marxuum C/llaahi Yuusuf laakiin ay marsiin jirtay nidaam sax ah, taas bedelkeedna ay dowladda dhexe lacagaha Puntland loogu tala-galay marsiineyso wadooyin hareer marsan Maamulka.

"Dhaqaalahaas Puntland dad kale uma diri jirin, qabiilana uma diri jirin, ee nidaamka dowliga ah bay ku diri jirtay ee wasaaradda Maaliyadda waxaan aad uga xumahay in dowladda federaalku ay tiraahdo annagaa qeybinayna oo beel beel iyo magaalo magaalo u gaarsiineyna” ayuu yiri Deni.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sidoo kale ku eedeeyay inay adeegsanayso kicinta dhalinyarada da’yarta ah ee aan weli garaadkoodu buuxsamin si buu yiri ay burburiso maamulka Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip