Madaxweyne Farmaajo oo Saciid Deni Kala Hadlay Sii Deynta Xubnaha Xiran ee Guddiga Dhismaha Waddada Boosaaso.

0
Saturday July 20, 2019 - 17:15:16 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Saciid Deni Kala Hadlay Sii Deynta Xubnaha Xiran ee Guddiga Dhismaha Waddada Boosaaso.

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Xukuumadda iyo Dowlad Goboleedyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Xukuumadda iyo Dowlad Goboleedyada.


Sida lagu shaaciyay qoraal Waaxda Warfaafinta Madaxtooyada Villa Somalia ka soo saartay wada hadalo qadka taleefanka ah oo dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si siman dalka u gaarsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso ee la xiray khamiistii, isagoo u sheegay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland in xubnahaas si shuruud la’aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo.

Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay Waaxda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu xoojiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii’da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip