Golaha Aqalka Sare oo Ka Dooday Hindise Sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka -Sawirro

0
Saturday July 20, 2019 - 16:57:52 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Aqalka Sare oo Ka Dooday Hindise Sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka -Sawirro

    Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ka dooday Ajendaha shirkooda oo ahaa Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka Golaha mihnadlayaasha caafimaadka Qaranaka (GMCQ).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ka dooday Ajendaha shirkooda oo ahaa Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka Golaha mihnadlayaasha caafimaadka Qaranaka (GMCQ).


Kulankii Maanta oo ahaa kii 10-aad , kalfadhigiisa 5-aad ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya senator Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Guddoomiyaha Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arimaha Bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka, Senator Axmed Macalim Cumar Axmed (Nadiir) ayaa akhriyay warbixin ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ).

Senator, Dr; Osman Mohamud Dufle oo xubin ka ah Guddiga horumarinta adeega Bulshada, arrimaha Bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka ayaa akhriyay warbixin qodabada wax kabadalka lagu sameeyay

Kulanka waxaa soo xaadiray 29 Senatar ,ayadoo ay xildhibaannada Aqalka sare qaarkood soo jeediyeen talooyinkooda ku aaddan hindise sharciyeedka Golaha mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka (GMCQ), waxaana muddo aan la cayimin loo ballamay ka doodista hindise sharciyeedkan.














Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip