
Dowlada Somalia oo War Ka Soo Saartay Markab Xoolo Ka Qaaday Berbera oo Lagu Xanibay Jeddah.
Mr Guuleed ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dowladda Sucuudiga xariir kala sameysay markabka xoolaha siday hase yeeshee ay caddaatay in markabka loo xayiray in uusan soo buuxin heshiisyadii dhoofinta xoolaha ee ay labada dowladood horay u kala saxiixdeen.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay Sacuudiga kala hadashay in markabkaan arrintiisa si gaar ah loo xalliyo oo aan lagu xirin heshiisyadii si loogu daneeyo ganacsatada Soomaaliyeed, hase yeeshee heshiisyadii hore ee labada dowladood wada galeen ay sidoodii ahaadaan oo la wada ilaaliyo.
"Waxaan ku guuleysanay in xayiraada laga qaado markabkii Xoolaha siday ee ku xayirnaa Dekeda magaalada Jeddah”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka.
Dowladda Sacuudiga ayaa kadib codsiga dowladda Soomaaliya ogolaatay in markabka ariga laga dejiyo si loogu iibiyo suuqyada xoolaha dalka Sucuudiga, iyadoo ay bilaabatay in in Markabka laga dejiyo dhammaan arigii saarnaa.
Dowlada Somalia oo War Ka Soo Saartay Markab Xoolo Ka Qaaday Berbera oo Lagu Xanibay Jeddah.
Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay markab labaatan kun oo ari ah siday oo dekadda Berbera ka shiraacday kuna xayirnaa dekadda magaalada Jeddaha ee dalka