Shuruudo Adag oo Loogu Xiray Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Jubbaland -Akhriso

0
Thursday July 18, 2019 - 18:07:49 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shuruudo Adag oo Loogu Xiray Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Jubbaland -Akhriso

    Guddiga Doorashooyinka maamulka Jubbaland uu horey u magacaabay Axmed Madoobe ayaa soo saaray shuruudo adag oo lagu xiray Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha maamulkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Doorashooyinka maamulka Jubbaland uu horey u magacaabay Axmed Madoobe ayaa soo saaray shuruudo adag oo lagu xiray Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha maamulkaasi.


Qoraal ay soo saareen guddiga ayaa lagu sheegay in diiwaangelinta musharixiinta ay bilaabanmeyso Maanta oo Khamiis ah kuna egtahay 20 Bishaan,sidoo kalena musharax kasta uu xafiiska Guddiga keeno dukumiintiga shuruudaha ah ee looga baahan yahay 21 ilaa 22 Bishaan.

Shuruudaha adag ee lagu xiray Musharaxiinta ayaa waxaa kamid ah in raga Musharaxiinta midkiiba laga rabo 30-kun oo dollar halka dumarka laga rabo 15-kun, waxaa sidoo kale Musharaxa laga rabaa soo in uu heesto saxiixa 10-Xildhibaan ayna soo jeediyaan in uu tartamo.

Musharaxiinta Shuruudaha kale ee lagu xiray ayaa waxaa kamid ah in uu iska casilo musharaxa xilka uu ka hayo dowlada federaalka ama maamulka Jubbaland, waxaa sidoo kale shuruudaha kamid ah in musharaxa uusan qabin xaas ajnabi ah.

Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in soo gudbinta dukumiintiyada musharaxiinta ay bilaabatay 16-ka bishan ayna ku egtahay 22-ka bishan , waxaana shaki la galinayaa dhax dhaxaadnimada guddigan.

Si kastaba shuruudahaan adag oo la hor-dhigay musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ayna soo saareen guddiga doorashada ayaa imaanaya xilli intooda badan musharixiinta ay sheegeen in guddiga doorashada aysan aheyn kuwo dhex dhexaad ah,isla markaana Madaxweynaha Jubbaland ee hadda Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ay ku eedeeyeen in uu afduubtay doorashada Jubbaland,sidoo kalena natiijada kasoo baxday aysan aqbali doonin.

Qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne ee maamulka Jubbaland ayaa durba kahor yimid qaar kamid ah shuruudaha adag ee soo saareen guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale deg dega ka muuqda Guddiga.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip