Dowladda Somalia oo Abaalmarinta Billadda ee Sanadkan Ku Maamusi Doonto Hodan Naaleeye.

0
Tuesday July 16, 2019 - 16:56:20 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 43
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somalia oo Abaalmarinta Billadda ee Sanadkan Ku Maamusi Doonto Hodan Naaleeye.

    Dowladda Federalka ayaa la filayaa inay Mashruuca Abaalmarina Billada ee sannadkan ku maamusi doonaan Allaha U Naxariisto Hodan Axmed Saciid Naaleeye oo Jimcihii hore ku geeriyootay qarixii ka dhacay Hotelka Madiina (Ex-cascasey) ee magaalladda Kisma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federalka ayaa la filayaa inay Mashruuca Abaalmarina Billada ee sannadkan ku maamusi doonaan Allaha U Naxariisto Hodan Axmed Saciid Naaleeye oo Jimcihii hore ku geeriyootay qarixii ka dhacay Hotelka Madiina (Ex-cascasey) ee magaalladda Kismaayo.


Marxuumadda oo ahayd Hooyo 43-jir iyo Saxafiyad caan ah waxay iyada iyo saygeedii, Marxuum Fariid Jamaac ka mid ahaayeen 26-kii qof ee ku geeriyootay qaraxii Kismaayo ka dhacay Jimcihii la soo dhaafay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Xukuumadda Federalka Somalia, Axmed Ciise Cawad waxa uu xaqiijiyey inay Wasaaradiisu bixinayo Abaalmarinta Billadda Hodan Naaleeye Award, si loogu maamuso Dhiiri-gelintii Nololeed ee Marxuumadda.

Qoraal uu Wasiir Cawad soo dhigay Bartiisa Twitterka bishan July 15-dii waxa waxa uu ku xusay inay sannad kasta u aqoonsan doonaan Shaqsiga ugu wanaagsan ee ka yimid Qurbo-joogta Soomaalida ee door muhiim ah sameeyey.

"Iyadoo la xurmaynayo nolosha hal abuurnimo ee Hodan Naaleeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumada Somalia waxay bixin doontaa Insha allah Abaal-marinta Hodan Nalayeh)” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda.

Hodan Naaleeye waxay ka mid aheyd dadka fara ku tiriska ee Qurbaha ka yimid oo soo kordhiyay hal abuur lagu xoojinayo Nabadda, wacyigelinta bulshada, horumarinta dhulka Soomaalida, soo bandhigida bilicda dalka iyo nolosha dadka reer miyiga ee dhulka Soomaalida, sidoo kale waxay aheyd howlkar sama fale ah oo soo gudbisa dhibaatooyinka bani’aadanimo ee ka jira guud ahaan dalka.

Sidoo kale, Saaxiibadda iyo Qoyska Marxuumad Hodan Axmed Saciid Naaleeye waxay Sabtidii hore ka tiiraanyooden, kadib, markii ay maqleen geerida Marxuumadda oo ahayd Saxafiyad iyo Hooyo rajeynaysay ilmaheedii 3-aad.

Allaha u Naxariisto Hodan Axmed Saciid Naaleeye waxay ku dhalatay magaalladda Laas Caanood ee Gobalka Sool, balse waxay iyada iyo waalidkeeda iyo 11 carruur oo la dhashay u dhoofeen Gobalka Alberta ee dalka Canada sannadkii 1984-tii, xilli uu qabowga ka hooseeyey -40 degrees Fahrenheit (-40°F)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip