Wasiir Goodax oo Kormeeray Halka Ay Ka Socoto Diyaarinta Natiijada Imtixaanaadka -Sawirro

0
Thursday July 11, 2019 - 17:25:30 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Goodax oo Kormeeray Halka Ay Ka Socoto Diyaarinta Natiijada Imtixaanaadka -Sawirro

    Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane, Cabdullaahi Goodax Barre ,ayaa Maanta kormeer ku tagay xarunta ay ka socoto shaqada imtixaankii Wasaaradda waxbarashada ay qaadday Sannad Dugsiyeedka 2018/2019 oo shaqaalaha wasaara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane, Cabdullaahi Goodax Barre ,ayaa Maanta kormeer ku tagay xarunta ay ka socoto shaqada imtixaankii Wasaaradda waxbarashada ay qaadday Sannad Dugsiyeedka 2018/2019 oo shaqaalaha wasaaraddu ay ku howlanyihiin dardargelinta dhameystirka xareynta xogta imtixaanka la saxay.


Wasiirka Waxbarashada , Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee wasaaradda ka dhageystay warbixin ku aadan halka uu marayo dhameystirka howlaha imtixaanka.

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada ayaa mid mid u dul istaagay shaqaalaha qaabilsan dhameystirka Imtixaanka waxa uuna ka wareystay habka uu u socdo howlaha imtixaanka.

"Waxaan maanta kormeeray xarunta ay ka socoto shaqada imtixaankii la qaaday ee sannad dugsiyeedka 2018/2019 oo ay shaqaalaha wasaaraddu si habsami leh u wadaan dardargelinta shaqadii loo idmaday.

Sixidda Imtixaanka ayuu sheegay in uu soo maray wajiyo badan, isla markaana hadda uu taagan yahay heerkiisa gaba-gabada oo ah xareynta Imtixaanka la saxay, isagoo intaa raaciyay in dhowaan la shaacin doono natiijada.











Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip