Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay in Itoobiya Dhex Dhexaadineyso Soomaaliya iyo Kenya.

0
Thursday July 11, 2019 - 10:09:47 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay in Itoobiya Dhex Dhexaadineyso Soomaaliya iyo Kenya.

    Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Warbaahinta Kenya qaarkood iyo kuwa Gudaha Soomaaliya ay qorayeen in Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Kenya,isla markaana labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Warbaahinta Kenya qaarkood iyo kuwa Gudaha Soomaaliya ay qorayeen in Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Kenya,isla markaana labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay kulmayaan.


Hayeeshee warkasi waxaa been abuur ku tilmaamay Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,waxana xusid mudan in warka ku saabsan in wadahadal laga gelayo Badda Soomaaliya horay u beenisay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in uusan jirin kulan u qorsheysan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya oo ka dhacaya Magaalada Addis Ababa.

Wasiirka Arrimaha Dibbada oo wareysi siiyay BBCda ayaa sheegay in wasaaraddiisu qaabilsantahay arrimaha dibadda wararkaasna ay yihiin kuwo laga been abuurtay.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Warbaahinta Soomaalida ay mar walba ku dhiiradaan wararka been abuurka ah,waxaana wasiirka uu sheegay in Go’aanka la xiriirta Badda Soomaaliya oo ay Kenya muranka gelisay uu weli sidiisa yahay,isla markaana uusan jirin wadahadal laga galayo.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa warbaahinta Soomaalida,tan Kenya iyo tan Itoobiya ay baahinayeen in 13ka bishan ay magaalada Addis ababa ku kulmayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru,kulankaa oo uu garwadeen ka yahay ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip