Puntland oo Fowdo Ku Tilmaantay Booqashadii RW Khayre Ku Tagay Waqooyiga Gaalkacyo.

0
Thursday July 11, 2019 - 08:48:03 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo Fowdo Ku Tilmaantay Booqashadii RW Khayre Ku Tagay Waqooyiga Gaalkacyo.

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Koonfurta Magalada Gaalkacyo ayaa shalay gelinkii dambe waxaa uu booqasho ku tegay Waqooyiga Gaalkacyo,waxaana booqashadaas dhaliil ka keenay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Koonfurta Magalada Gaalkacyo ayaa shalay gelinkii dambe waxaa uu booqasho ku tegay Waqooyiga Gaalkacyo,waxaana booqashadaas dhaliil ka keenay Maamulka puntland oo deegaan ahaan maamula.


Wasiiro ka tirsan Puntland oo Xalay shir jaraa’id qabtay ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku eedeeyay inuu baal maray jadwalkii ay ku heshiiyeen ee loo dejiyey soo dhoweyntiisa Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo, iyadoo booqashadaasina ku sifeeyey mid fowdo aheyd.

Wasiirka arrimaha gudaha, Dimoqraadiyadeynta iyo federaalka ee Maamulka Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa sheegay in isaga iyo Wasiiro kale ay Gaalkacyo u yimaadeen iney woqooyiga Gaalkacyo ku soo dhoweeyaan Raisul Wasaaraha, ayna dejiyeen jadwal ku saleysan hab maamuuska uu mudan yahay .

"Balse waxaa nasiib daro ah in raisul wasaaraha iyo dadka la shaqeynayey ay ku adkeysteen iney yiraahdaan anagu meesha uma imaan in naloo sameeyo Maamuus iyo Protocol, umana imaanin inaan shirar galno, balse waxaan rabnaa inaan dhex galno dad banaanbax sameynaya, anagu ka Puntland ahaan waxaan qorsheynay iney marka hore la kulmaan Isimada, odayaasha, ganacsatada iyo waxgaradka ka dibna uu shacabka fagaare kula hadlo, waxaase yaab leh in raisul wasaaruhu arrintaas si masuuliyad daro ku jirto u diiday, ayuu yiri” Wasiirka oo intaas ku daray in sida uu arintan Raisul Wasaaraha u maamulay aysan ka muuqan Masuuliyad Raisul Wasaarenimo.

Wasiirka ayaa sheegay in Geeddi socodka dowladnimada Somalia laga keenay meel fog, loona baahan yahay in Masuuliyad dheelitiran lagu hogaamiyo si looga gudbiyo qodxaha badan ee hor yaalla.

"Aniga shaqsi ahaan Raisul Wasaare Xasan Cali Khayre waa saaxiibkey balse wixii uu maanta ka sameeyey Gaalkacyo waxaa fiicneyd iney nala arkaan dad badan oo Soomaaliyeed, waxaana dhici karta kuwo badan iney horey u arkeen laakiin iska aamuseen” ayuu yiri wasiirka.

Dhabancad ayaa sheegay iney cudurdaar iyo raaligelin u dirayaan isimimo, waxgarad iyo cuqaal u diyaarsanaa iney ku soo dhoweeyaan raisul Wasaaraha Madaxtooyada Gaalkacyo, isagoo dhinaca kale u mahad celiyey shacabka iyo Masuuliyiinta Puntland iyo Galmudug ee Raisul Wasaaraha ku soo dhoweeyey Gaalkacyo.

Xukuumada Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin eedeynta Puntland, balse muranka la xiriira qaabka loogu soo dhoweynayo Khayre woqooyiga Gaalkacyo ayaa soo baxay booqashadiisa ka hor.

Warar laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Maamalka Puntland ay qorsheeyeen in xili habeen ah uu raisul wasaaraha Somalia shacabka kula hadlo garoonka kubada cagta Cawaale balse saraakiisha dhinaca amniga u qaabilsan Raisul Wasaaraha ayaa taas ka horjeestay, waxaana jiray tuhun ah in Puntland ay dooneysay iney hoos u dhigto qaabka soo dhoweynta Raisul Wasaaraha ee woqooyiga Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mamulka Galmudug ayaa waxaa warar soo baxayay ay sheegayeen in booqashada uu ku tegay Waqooyiga Gaalkacyo ay aheyd mid aan horay loo sii qorsheyn,hayeeshee hadalkaan kasoo yeeray Maamulka puntland uu qeyb ka yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip