Eng. Yariisow oo Qaswadeyaal Ku Sifeeyey Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamanka Somalia.

0
Thursday July 11, 2019 - 08:27:47 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 30
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eng. Yariisow oo Qaswadeyaal Ku Sifeeyey Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamanka Somalia.

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa 'Qaswadayaal" ku tilmaamay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay maqaamka caasimadda Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa 'Qaswadayaal" ku tilmaamay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay maqaamka caasimadda Muqdisho.


Yariisow ayaa ku eedeeyay xildhibaano uu ka mid yahay C/qaadir Cosoble Cali inay magac qabiil ku hadlayaan, kana soo horjeedaan horumarka uu sheegay inuu ka jiro caasimada, wuxuuna si gaara weerar ugu qaaday xildhibaanka.

"Xildhibaanada Maanta hadlay waa qaswadayaal aan waxba laga weydiineyn masiirka Gobolka Banaadir,Cosoble xagguu jiray Markaan 7-da waddo ee laamiga ah dhisaynay”ayuu yiri Duqa Muqdisho.

"Caasimada anigaa guddoomiye ka ah, duq magaalana ka ah. Arrimaha caasimadda iyo maqaamkeedana shacabka Soomaaliyeed oo aan wakiil ka ahay ayaan ka wadatashanay” ayuu yiri Guddoomiye Yariisow oo u warramay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Enj Yariisow ayaa xusay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay diyaar u yihiin inay nidaamka federalka la hirgeliyo caasimada maqaamkeedana la dhamaystiro.

Hadalka Guddoomiye Yariisoo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa,iyadoo Muqdisho kulan yeesheen qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka kunool Gobolka Banaadir iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,kaasi oo Ashtako ka dhan ah Maamulka G/Banaadir iyo xirnaanshaha Wadooyinka muhiimka ah u gudbiyeen Xildhibaanadii kulankaas ka qeyb galay,iyagoon Odayaasha dalbaday in fariintooda u gudbiyan dowladda Federaalka.

Yariisow oo marar badan weerarro afka ah ku qaaday xildhibaanno iyo siyaasiyiin ayaa ka carooday khudbada uu Shalay jeediyay Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo ka qeyb galay shir ka dhacay magaalada Muqdisho isagoo sheegay in Dadka Caasimada aysan u baahneyn guddoomiye la soo magacaabo, balse ay muhiim ay tahay inay soo doortaan ciddii ay rabaan, taasoo ka careysiisay Yariisow.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip