Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed oo Maanta Gaaray Magaalada Marka -Sawirro

0
Wednesday July 10, 2019 - 17:01:48 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 31
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed oo Maanta Gaaray Magaalada Marka -Sawirro

    Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdui uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Marka Xaruna Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdui uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Marka Xaruna Gobolka Shabeellaha Hoose.


Wafdiga oo diyaarad uu UN-ka leeyahay kasoo qaaday degmada Xudur ayaa kusoo degay Garoonka Diyaaradaha Ceel-jaale ee duleedka Marka.

Wafdigan ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yaha Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose,xubno ka tirsan maamulka Degmada Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Marka.

Intaasi kadib Wafdiga ayaa safar dhinaca dhulka ah waxaa ay ku galeen Magalada Marka oo ay ku sugan yihiin Boqolaal dadweyne ah oo Maanta sugayay.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin,xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka iyo Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in Boqolaal ka mid ah Shacabka Magalada Marka ay kula hadlaan fagaaro ku yaalla Xarunta Maamulka degmada Marka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa inta uu ku sugan yahay Marka waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Sare ee Gobolka Shabeellaha,kan Degmada,Waxgaradka iyo Bushada halkaas ku dhaqan.

Amniga degmada Marka iyo wadooyinka soo gala ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana lagu arkayay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda & AMISOM oo amniga xaqiijinaya.

Waa safarkii ugu horeeyay ee uu Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu ku tegay magaalada Marka tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha.











Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip