Xarunta Lagu Qabanayo Shirka Dib u Heshiisiinta Maamulka Galmudug oo La Diyaariyay -Sawirro

0
Wednesday July 10, 2019 - 11:21:40 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 29
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Lagu Qabanayo Shirka Dib u Heshiisiinta Maamulka Galmudug oo La Diyaariyay -Sawirro

    Waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu qabto shir dib u heshiisiin ah ay isugu imaanayaan beelaha dega gobolada Galgaduud iyo Mudug ee ku mideysan maamulka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu qabto shir dib u heshiisiin ah ay isugu imaanayaan beelaha dega gobolada Galgaduud iyo Mudug ee ku mideysan maamulka Galmudug.


Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa horey u shaaciyay in shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo doorashooyinka maamulkaasi ay ka dhacayaan magaalada Dhuuso Mareeb.

Maamulka Dhuuso Mareeb ayaa durba diyaariyay xarunta loogu tala galay in lagu qabto shirka dib u heshiisiinta Galmudug, waxaana xaruntan booqday masuuliyiin katirsan dowlada federaalka iyo maamulka Galmudug.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa kormeeray xarunta Shiirkole ee loogu tala galay in lagu qabto shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug.

"Waxaan kormeeray xarunta Shiirkole oo ah goobta loo diyaariyey in lagu qabto shirka Dib-U-Hshiisiinta bulshada reer Galmudug ee ka furmi doona Dhuusamareeb. Waxaa ka socda diyaar garow balaaran oo dhinacyo badan leh,Maamulka Galmudug iyo ganacsatadii diyaarisay waxaan leeyahay waajib qaran ayaad gudateen" ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Faarax wehliye.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay maamulka Dhuuso Mareeb iyo dadkii kale ee gacanta ka geestay diyaarinta xaruntan lagu qabanayo shirka ay isugu imaanayaan waxgaradka beelaha Galgaduud iyo Mudug.

Wali lama shaacin xiliga rasmiga ah uu furmayo shirka dib u heshiisiinta, waxaana wali jira beelo kasoo horjeeda in Shirka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug lagu qabto magaalada Dhuuso Mareeb.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip