Maxkamadda Ciidamada Dowlada oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay 3 Nin oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab.

0
Wednesday July 10, 2019 - 11:05:07 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 32
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada Dowlada oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay 3 Nin oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab.

    Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay saddexda nin oo loo heystay weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho sanadkii 2017.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay saddexda nin oo loo heystay weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho sanadkii 2017.


Saddexda Nin ee saaka Maxkamadda xukunta dilka ah ku fulisay ayaa kala ahaa Farxaan Maxamed Samatar,C/naasir Dhaqane&Abshir Maxamed Xaaji.

Raggan ayaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen weerarkii Hotel Naasahablood 2 lagu qaaday 28kii October 2017kii, xilligaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 qof.

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada iyo midda sare ee Ciidamada ayaa waxaa ay dil hore ugu xukumeen ragga saaka la toogtay ee lagu helay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa xukunkan fulisay muddo dheer kaddib iyada oo dhowr jeer dhaleeceyn kala kulantay Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee diiddan fulinta xukunnada dilka ah.

Ragan saakay la toogtay ayaa Maxkamada ciidamada qalabka sida xukun dil ah ku riday 30/05/2018, waxaana xukunkaas lagu riday sadexdan eedeesane saakay lagula fuliyay magaalada Muqdisho.

Xukunada dilka ah ay fuliso dowlda Soomaaliya ayaa aad u yaraaday labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaana inta badan xukunada dilka ah dowladan ku fulisay xubno katirsan Al Shabaab oo weeraro ka geestay Muqdisho.

Waxana fulinta xukunkan uu ku soo beegmayaa toddobaad kadib markii ururka Al-Shabaab ay toogasho ku fuliyeen illaa 17 ruux oo ay ku eedeeyeen inay ka mid ahaayeen ciidamada dowlada federalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip