Dowlada oo Beenisay inuu isbedelay Mowqifka Dowlada Kiiska Badda ee Horyaal Maxkamada ICJ.

0
Tuesday July 09, 2019 - 19:41:52 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada oo Beenisay inuu isbedelay Mowqifka Dowlada Kiiska Badda ee Horyaal Maxkamada ICJ.

    Madaxtooyada Somalia ayaa si cad u beenisay warar saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood oo sheegayey inuu isbedelay mowqifka dowlada Somalia ee la xiriira kiiska Badda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyada Somalia ayaa si cad u beenisay warar saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood oo sheegayey inuu isbedelay mowqifka dowlada Somalia ee la xiriira kiiska Badda.


Warbaahinta gudaha qaarkood iyo baraha bulshada ayaa si weyn waxaa u qabsaday saacadihii la soo dhaafay warar aan la sheegin cida laga soo xigtay oo tilmaamaya in dowlada Somalia ay aqbashay iney wadahadal ka gasho kiiska badda, ka dib cadaadis kaga yimid dowlada Maraykanka, ayna dhowaan arrintaas wadahadal ka yeelan doonaan madaxda labada dowladood oo kulan ku yeelanaya Addis ababa.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/nuur Maxamed Axmed ayaa Wararkaasi ku tilmaamay ku been Abuur ah, isaggoo Xusay in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu wado Baaritaan ku saabsan Ilaha Wararkaan Been Abuurka ah Baahiyey.

"Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ” ayuu yiri agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed.

Agaasimaha oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facenook ayaa intaa ku daray in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu baaritaan ku hayo ilaha wararkan been abuurka ah sida agaasimuhu sheegay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip