Duqa Muqdisho Oo Demooyinka Gobolka Banaadir Ka Bilaabay Kulamo Isla Xisaabtan -Sawirro

0
Sunday June 16, 2019 - 17:29:59 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho Oo Demooyinka Gobolka Banaadir Ka Bilaabay Kulamo Isla Xisaabtan -Sawirro

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa maanta kulan gaar ah oo amniga quseeya la qaatay maamulka degmada Howl-Wadaag isagoo ka wareestay xaalada degmada iyo isbadalka amni ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa maanta kulan gaar ah oo amniga quseeya la qaatay maamulka degmada Howl-Wadaag isagoo ka wareestay xaalada degmada iyo isbadalka amni ee kajira.


Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng Yariisoow ayaa kula dardaarmay maamulka degmada iyo laamaha amniga in la xoojiyo sugida nabadgalyada deegaanka iyo in la horumarinyo isku xirka shacabka iyo hey’adaha amaanka.

"Waxaan kormeer shaqo ku tagey Degmada HowlWadaag oo aan kulan isla xisaabtan ah la yeeshay Golaha Deegaanka ee Degmada, isla markaasna kormeeray dhismaha ka socda xaruntii Degmada iyo waddo dayactir xoogan lagu sameeyey”ayuu yiri Eng:Yariisoow

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa ugu danbeyn kormeeray wadada Ceel Garweyne oo oo dib u dayactir lagu sameeyay.

Magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa si xowli ah uga socday howlo lagu dayactirayo wadooyinka kuburburay dagaaladii soo maray magaalada iyo weliba sidii looga hirgelin lahaa adeegyada ay u baahan yihiin shacabka ku nool caasimada.


















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip