Madaxweyne Erdogan oo Shaaciyay Xiliga Dalkiisa Soo Gaarayaan Gantaalada S-400.

0
Sunday June 16, 2019 - 17:15:20 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Erdogan oo Shaaciyay Xiliga Dalkiisa Soo Gaarayaan Gantaalada S-400.

    Madaxweynaha dalka Turkiga Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta oo axad ah shaaca ka qaaday waxii ka bilowda bisha soo socota ee July ay dalkiisa soo gaarayaan gantaalada casriga ah ee S-400.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Turkiga Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta oo axad ah shaaca ka qaaday waxii ka bilowda bisha soo socota ee July ay dalkiisa soo gaarayaan gantaalada casriga ah ee S-400.


Gantaaladan oo ah kuwa difaaca cirka ayaa dowlada Turkiga waxa ay kasoo iibsatay dowlada Ruushka, waxa ayna arintan abuurtay khilaaf xoogan oo soo kala dhax gala dowlada Turkiga iyo Mareykanka.

Madaxweyne Erdogan ayaa shaaciyay in ay ku faraxsan yihiin in ay helaan uuna dalkooda soo gaaro bisha soo socota ee July gantaalada S-400  oo ah kuwa lidka diyaaradaha oo casri ah.

Heshiiska uu Turkiga gantaaladani uga soo iibsanayo Ruushka ayaa khilaaf xoogan ka dhex dhaliyay Turkiga iyo Mareykanka, waxaana Mareykanka ku hanjabtay in ay cunaqabateyn kusoo rogi doonto Turkiga haddii ay ka dhabeyso heshiiska gantaalada S-400.

Xoghayaha kumeelgaarka ah ee difaaca Mareykanka Patrick Shanahan ayaa horraanti bishaan waqrad uu u diray dowladda Turkiga ugu digay cawaaqib xoog leh haddii ay uga laaban weysay heshiiskaasi ilaa 31-ga bisha July. Waxaa kale oo uu sheegay in ay soo eriyi doonaan duuliyaal Turkish ah oo hadda tababarro la xiriira dhanka duulista diyaaradaha dagaalka ee F-35 u jooga dalkaan Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale dowlada Turkiga ugu goodisay in ay joojin doonto heshiis Xukuumada Ankara looga iibin lahaa 100 diyaaradood oo ah kuwa dagaalka gaar ahaan nuuca loo yaqaano F-35 hadii Turkiga ka iibsadaan Ruushka Gantaalada S-400.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip