Senator Faroole oo Khilaaf uga Digay Xukuumadda iyo Baarlamaanka Puntland.

0
Sunday June 16, 2019 - 11:44:58 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Senator Faroole oo Khilaaf uga Digay Xukuumadda iyo Baarlamaanka Puntland.

    Cabdiraxmaan Maxamed Maxmauuf (Faroole) oo ka mid ah Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland iyo Xukuumadda Puntland in dhexdooda uu soo kala dhex galo khilaaf.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdiraxmaan Maxamed Maxmauuf (Faroole) oo ka mid ah Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland iyo Xukuumadda Puntland in dhexdooda uu soo kala dhex galo khilaaf.


Waxa uu sheegay Senator-ka in Xildhibaanada dhalinyarada ah eek u jira Baarlaamnka Puntland ay muhiim tahay inay bartaan Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliya si looga fogado khilaaf,isla markaana dadka ay ku hoggaamiyaan wadada saxda ah.

Dhinaca kale Senotar Cabdiraxmaan Maxamed Maxmauuf (Faroole) oo u jawaabayay Odayaal dhawaan ku shiray Gaalkacyo,kuwaas oo sheegay inay qaateen ku dhaqanka Shareecada Islaamk,waxaana uu ka codsaday inaysan u yeeran dadka dhibaatada ka abuuraya deegaanada Maamulka Puntland.

Mudane faroole ayaa dhanka kale caddeeyay, in Dastuurka Puntland uu si buuuxda u waafaqsanyahay Shareecadah Islaamka,islamarkaana aysan ku jirin wax ka hor-imaanaya Diinta iyo dhaqanka Suubban ee Soomaalida.

Hadalkaan ayaa  Cabdiraxmaan Maxamed Maxmauuf (Faroole) Madxweynihii hore ee Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ayaa waxaa uu ka jeediyay furitaankii shalay ee Kulankii 44aad ee Golaha Wakiilada Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip