Ra'iisul Wasaare Kheyre Balan Qaad U Sameeyay Ciidankii Ka Hor Tegay Qaraxii Muqdisho -Sawirro

0
Sunday June 16, 2019 - 11:21:24 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kheyre Balan Qaad U Sameeyay Ciidankii Ka Hor Tegay Qaraxii Muqdisho -Sawirro

    Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ballanqaad u sameeyay askarti ka hortagtay qaraxii ka dhacay Barta Koontarool ee laga galo Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ballanqaad u sameeyay askarti ka hortagtay qaraxii ka dhacay Barta Koontarool ee laga galo Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.


Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xalay booqday goobihii ay ka dhaceen qaraxyada ayaa sheegay in askarta ku guuleystay in ay qabtaan ninkii la socday gaarigii shalay ku qarxay meel ku dhow isgoyska Lambar 4 uu abaalgud siinayo.

Ra’isalwasaaraha oo booqday labadii goob ee shalay  qaraxyadu ka dhaceen ayaa la kulmay taliyayaasha baraha koontaroollada ee Magaalada Muqdisho waxaana uu wax ka weydiiyay qaabka ay u sugaan ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidanka iyo saraakiishooda u sheegay in madaxda qaranku ay aad uga war qabaan dadaalka wanaagsan ee geesinimada xambaarsan ee ciidamadu ku jiraan, lana abaal marinayo ciidamada amniga ee isku hor gudbay cadawga, dhiigdoodana u huray badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay qayb ka qaataan sugidda amniga, oo ay laamaha amniga la soo wadaagaan xogaha muhiimka u ah adkaynta amniga.

Weerarkii shalay ayaa ugu yaraan waxaa ku dhintay 10 qof waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 25 qof oo kale kuwaas oo isugu jiray dad rayid ah iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mid ka mid ah raggii weerarradaas qeybta ka ahaa gacanta lagu dhigay islamarkaana isaga oo dhaawac ah la qabtay.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip