Bankiga Horumarinta Afrika oo Taageero u Balan-qaaday Dowladda Soomaaliya.

0
Friday June 14, 2019 - 18:08:02 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 44
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bankiga Horumarinta Afrika oo Taageero u Balan-qaaday Dowladda Soomaaliya.

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea kula kulmay Akinwumi Adesina oo ah Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea kula kulmay Akinwumi Adesina oo ah Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika.


Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga hadleen muhiimmadda ay leedahay in Baanku uu kordhiyo taageerada Maaliyadeed ee uu siiyo Soomaaliya si ay wax uga qabato arrimaha soo kabashada iyo is-dhexgalka gobolka.

Wasiir Beyle ayaa Madaxweynaha Bangiga Aduunka uga warbixiyay horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay hanaanka Maaliyadda,isaga oo ugu baqay inay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

"Markii aan la kulmay Madaxweynaha Bankiga, waxaan warbixin kooban ka siiyay horumarka Soomaaliya ee dib-u-habeynta, waxaana ku boorriyay inuu sii wado doorka muhiimka ah ee ku aadan hannaanka Qaran ee aan ugu jirno innaan ku gaarno deyn cafiska” ayuu yiri Wasiir Beyleh.

Waxaa uu Wasiirka ku boorriyay Akinwumi Adesina inuu sii wado doorka muhiimka ah ee ku aadan hannaanka Qaran ee loogu jiro deyn cafiska Soomaaliya.

"Kulammadii iyo wadahadlladii aan la yeeshay maanta Guddiga Sare ee Bangiga Horumarinta Afrika (Governors) ee ku sugan shirka sannadlaha ah ee Bangiga, waxaan ku celiyay muhiimmadda ay leedahay in Baanku uu kordhiyo taageerada Maaliyadeed si ay wax uga qabato arrimaha soo kabashada iyo is-dhexgalka gobolka. Labadaan qaybood ayaa ah qodobbada muhiimka ah ee ajandaha 5-aad ee Bankiga iyo mudnnaanta kobcinta horumarinta ee ururrada iyo dowladaha oo idil” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in uu ku faraxsanahay in madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Akinwumi Adesina, uu aqoonsaday dadaalka dib-u-habeynta ee Xukuumadda Soomaaliya, isagoo sidoo kale xaqiijiyay in Bangiga uu sii wadi doono taageeradiisa Soomaaliya.

"Waxaan ku faraxsanahay in madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Akinwumi Adesina, uu aqoonsaday dadaalka dib-u-habeeynta ee Xukuumadda Soomaaliya, isagoo sidoo kale xaqiijiyay in Bangiga Horumarinta Afrika uu sii wadi doono taageeradiisa joogtada ah, Shirkii Bangiga horumarinta Afrika sidaa ayuu ku soo gunaanadmmay” ayuu yiri Wasiirka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip