Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Cali Shaamey.

0
Thursday June 13, 2019 - 17:49:24 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Cali Shaamey.

    Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xil kaqaadis ku sameeyey Cali Ibraahim Cali (Shaamey).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xil kaqaadis ku sameeyey Cali Ibraahim Cali (Shaamey).


Wareegto ka soobaxday Xafiiska madaxweyne Lafta-gareen ayaa loo direy dhammaan Wasaaraddaha Dowladda Federaalka ah, Hay’addaha iyo Safaaradda kaas oo uu ugu sheegayo in uuna marnaba meteli karin xafiiska madaxweynaha iyo Dowlad Goboleedka Midna. Mudane Cabdi Cashur Xasan Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa xilkii xubinimada guddiga isgaarsiinta ka qaaday Cali Shaamey oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda isla markaanna xubin uga ahaa Guddiga Isgaarsiinta Qarankataas, waxa uuna ku biiray islamarkaana metelay xisbi siyaasi ah.

Mudane Cali Shaamey ayaa xil kaqaadistaas ku gacansayray isaga oo sheegay in uu maxkamad la aadi doono Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, inkasta oo uu wasaaradda ku metelayey xubinnimada guddiga isgaarsiinta Qaranka haddana waxa uu sheegay Cali Shaameey in aysan wax xeer ah oo u diidaya in uu xisbi ku biiro.

Hoos ka Aqriso Wareegtada Xilka qaadista.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip