Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Sheegay in ay Korortay Tirada Al-shabaab ee Ka Soo Goosta -Sawirro

0
Tuesday June 11, 2019 - 17:44:08 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Sheegay in ay Korortay Tirada Al-shabaab ee Ka Soo Goosta -Sawirro

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo Maanta Shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab kaasi oo ka socda Gobolada Dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo Maanta Shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab kaasi oo ka socda Gobolada Dalka Soomaaliya.


General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay inuu dar dar ku socdo howlgalka Dalka looga cirib tirayo Nabadiidka Al-shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Indhaqarshe ayaa la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed Awoodda Ciidanka Xoogga Dalka in ay yihiin kuwa Dalka ka saari kara Kooxda Al-shabaab.

Dhallinyarada ay qaldeen Al-shabaab ayuu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ugu baaqay in ay kasoo laabtaan Fikirka qaldan ee kooxda Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi, waxa uu sheegay in ka badan 30 Malleeyshiyaadka Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa isa soo dhiibista xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ku macneeyay, howl gallada is daba joogga ah ee ay Ciidamadu ka sameeyaan goobaha ay Cadawga ku dhuumaaleysanayaan.

S/gaas Daahir Aadan, ayaa beeniyay wararka sheegaya in la jabsaday keydkii Hubka Wasaarada gaashaandhigga, isagoo arrintaasi ku tilmaamay mid been abuur ah.

Warbaahinta ku howlan wararka been Abuurka ah ayuu uga digay in ay ku dhaqmaan wax ka baxsan sharciga iyo nidaamka u dagsan Dalka,wuxuuna faray in ay ka digtoonaadaan.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip