Shir Looga Hadlayay Amniga Caasimadda oo Lagu Qabtay Magalada Muqdisho -Sawirro

0
Tuesday June 11, 2019 - 10:05:40 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 25
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Looga Hadlayay Amniga Caasimadda oo Lagu Qabtay Magalada Muqdisho -Sawirro

    Shirka Amniga Caasimadda Muqdisho oo xalay la qabtay ayaa lagu qiimeeyay xaalada guud ee magaalada, iyadoo kulanka uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka Amniga Caasimadda Muqdisho oo xalay la qabtay ayaa lagu qiimeeyay xaalada guud ee magaalada, iyadoo kulanka uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow.


Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiinta dhinaca amniga iyo saraakiisha ciidamada, waxaana lagu falan-qeeyay arrimaha ammaanka iyo tallaabooyinkii la qaaday.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayay amniga Caasimadda iyo qiimeyn lagu sameeynayay, kadib howlgallo isdaba-joog ah oo Ciidamo ka tirsan Booliska ay ka sameynayeen degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir,sida uu sheegay Gudodomiyaha Gobolka Banaadir.

"Shirka Amniga Caasimadda ayaan ku qiimeynay xaalada Guud ka dib kormeer iyo dabagal joogta ah oo aan wadnay muddo, isla markaasna go’aaminey dib u eegis in lagu sameeyo Qorshaha Sugida Amniga Caasimada" ayuu yiri Eng, Yariisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay go’aamiyeen in dib u eegis lagu sameeyo Qorshaha sugida amniga Caasimadda.

Waxaa uu sheegay in kormeer iyo dabal joogta ah oo muddo socday ay ku qiimeeyeen xaalada amniga Muqdisho.

Ciidamada amniga ayaa kordhiyay howlgalada lagu sugayo amniga, iyadoo xiray waddooyin dhowr ah, inkastoo odayaasha dhaqanka ay walaac ka muujiyeen xirnaanshaha waddooyinka qaar ee magaalada.

Tan iyo markii guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay howlgallo laga fulinayo degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa si sidaba-joog ah u qabsoomayay kulamo looga hadlayay Amniga Caasimadda,kuwaas oo uu qaarkood shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip