Puntland oo Dhulkeeda Ka Cayrisay Saraakiil u Shaqeynayay Hay'ado Caalmi Ah.

0
Tuesday June 11, 2019 - 09:20:15 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo Dhulkeeda Ka Cayrisay Saraakiil u Shaqeynayay Hay'ado Caalmi Ah.

    Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa wadanka ka cayrisay labo sarkaal oo ka tirsan shaqaalaha Ajaaniibta ah ee u shaqeeya Hay'addaha Caalimiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa wadanka ka cayrisay labo sarkaal oo ka tirsan shaqaalaha Ajaaniibta ah ee u shaqeeya Hay'addaha Caalimiga ah.


Saraakiishan oo u kala shaqaynayay Hay’adaha World Vision International iyo Relief International ayaa cayrintoodu ay salka ku haysay arrimo la xiriira Musuqmaasuq iyo sharciyada ay wadanka ku joogeen.

NAPOLEON PHIRI oo ahaa madax hawlgalada ahna Madaxa xafiiska Puntland (Operation Manager/Area Manager) ee hay’adda World Vision International ayaa wadanka looga cayriyay Arrimo Musuqmaasuq iyo wax isdaba marin baahsan oo uu sarkaalkani ku kacay. Arrimahan oo mudo badan isa sootarayay ayaa ugu dambayn dawladu soo faragalisay kadib markii ay u cadaatay in Sarkaalkani uu Musuq-maasuqay Qaybo badan oo ka mid ah Shaqaalaysiinta (Recriutments) iyo Hanaanka wax soo iibsiga hay’adda (Procurements). Sida aanu Wararka ku helnayna waxaa siyaabo kala duwan Warqado uga soo saaray arrinta Sarkaalkan Wasaaradaha Qorshaynta, Caafimaad iyo Shaqada iyo Shaqaalaha.

NELSON oo ah kuxigeenka madaxa hawlgalada (Deputy Director of Operations) ee hay’adda Relief International ayaa wadanka looga saaray Warqad ka soo baxday Hay’adda Socdaalka iyo Jisiyadaha ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xafiiska Puntland oo ku qotantay in Sarkaalkani uu iska indho tiray shuruucda wadanka sida Ruqsadda ogolaanshiyaha shaqo ee dalka iyo Dal-ku-jooga(Work permit and Visa).

Sarkaalkan ka tirsan hay’ada Relief International ayaa mudo sadex jeer ah waxay dawladu usoo qabatay arrimo la xriiro dal-ku-galka uu haysto ka dib markii ay ogaatay in uu dhacsan tahay Ruqsadda uu haystay islamarkaana uusan soo codsan wax cusboonaysiin ah (Visa Extension). Laba jeer oo kamid ah xilliyadaan waxaa lagu qabtay Airport-ka Aadan Cadde ee maoaagalada Moqadishu halka marka saddexaadna lagu qabtay Madaarka Gen. Abshir ee magalaada Garowe taas oo sababtay ugu damayn in dalka laga saaro.

Sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dalka, Nelson wuxuu muddadaas ka dhego adeygay soo jeedinta xafiisyada dowlada oo usoo jeediyay in uu codsado, lana yimaado Documentiga ogolaanshiyaha sharci ee wadanka sida Dal-ku-joogga iyo Ruqsadda ogolaanshiyaha shaqo.

Sidaaanu warkan ku helnay, Sarkaalkani wuxuu si bareer ah isugudayay in uu lacag laaluush ah ku bixiyo sidii uu wadanka u joogi lahaa marka uu doono sifo sharci-darro ah taas oo markii ay dhiciwayday uu ku dhiiraday in uu ku aflagaadeeyo Jiritaanka sharciyadda wadanka.

Arrintan ayaa timid iyadoo guud ahaanba Ajaaniibtu ay caadeysteen ka dhaga-adeygidda iyo u hogaansamid la’aanta Shuruucda wadanka taasoo ay xirrirro kala duwan ka sameeyeen Xafiisyada ku shaqada leh oo ay ka mid tahay Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha.

Soomaaliya waxaa ka howlgala saraakiil iyo shaqaale kale oo ajnabi ah kuwaa oo hareer mara sharciyada dalka uyaala iyo sidoo kale nidaamka shaqo, waxaana talaabadan Puntland qaaday ay muujineysaa in lala xisaabtami karo shaqaalaha ajanaiibta ee dalka jooga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip