Guddoonka Aqalka Sare iyo Danjire Madeira oo Ka Wada Hadlay Qodobo Xasaasi Ah -Sawirro

0
Tuesday June 11, 2019 - 09:07:43 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoonka Aqalka Sare iyo Danjire Madeira oo Ka Wada Hadlay Qodobo Xasaasi Ah -Sawirro

    Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan kula yeeshay Xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira, ayagoo ka wada hadlay Xirrirka labada dhinac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan kula yeeshay Xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira, ayagoo ka wada hadlay Xirrirka labada dhinac.


Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddomiye Kuxigeenka 2-aad ee Aqalka Sare Mudane Mowlid Xuseen Guhad,Hab dhowraha Aqalka Sare Senator Cabdi Kaafi Macalin Xassan iyo Xog-haye Kuxigeenka Aqalka Sare.

Kulanka oo saacado qaatay markuu soo gaba gaboobay ayaa waxaa ugu horayn saxaafada la hadlay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Danjire Francisco Madeira waxa uu Sheegay in kulanka ay gudoonka yeesheen uu ahaa mid muhiim ah oo looga hadlay arimaha Soomaaliya iyo howlgalka midowga afrika.

Habdhooraha golaha aqalka sare baarlamaanka soomaaliya Sen, C,kaafi macalin xasan ayaa sheegay in kulanka arimaha looga hadlay ay ugu muhiimsanayd mudo kordhinta Amissom iyo arimaha Doorashooyinka.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay Awoodaha loo xilsaaray (Mandate) Amisom oo wax kabadal Cusub lagu sameeyay goor dhaw, sidoo kale waxaa looga hadlay arrinta Dowlada Xubinta ka ah dowlada Federaalka ee Galmudug iyo sida xalinteeda looga qeyb qaadana lahaa.

Danjire Francisco Madeira ayaa weydiiyay macluumaad ku saabsan Shirka Garoowe ee ay Maddaxda Xukuumada iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya isugu yimadeen asagoo ka wareystay Gudoomiyaha Aqalka Sare-BFS.

Ugu danbeeynti waxaa kulanka looga hadlay arrima ku saabsan Guddiga Doorashooyinka iyadoona la’isku waafaqay in la joogteeyo Xirrirka labada dhinac.

Golaha aqalka sare baarlamaanka soomaaliya iyo Midowga Afrika Soomaaliya ayaa waxaa ka Dhaxeeya wada shaqayn iyagoo mar marka qaar ay yeeshaan kulamo ay uga hadlayaan amaanka Soomaaliya iyo howlgalka midowga afrika.

 


















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip