Wasiirka Shaqada oo Geneva Kaga Qeyb Galay Shir Weynaha shaqada Adduunka.

0
Tuesday June 11, 2019 - 09:00:37 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 29
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Shaqada oo Geneva Kaga Qeyb Galay Shir Weynaha shaqada Adduunka.

    Shir weynaha shaqada caalamka ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Geneva iyadoo uu shirkaasi ka qeybgalayo Wasiirka shaqada iyo Shaqaalaha dowlada federalka Sadiiq Warfaa iyo wafdi uu hoggaaminayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir weynaha shaqada caalamka ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Geneva iyadoo uu shirkaasi ka qeybgalayo Wasiirka shaqada iyo Shaqaalaha dowlada federalka Sadiiq Warfaa iyo wafdi uu hoggaaminayo.


Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa oo hoggaaminaya wafdi saddex-geesood ah ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduunka oo halkaa maanta ka furmay.

In ka badan 5,000 oo wakiillo oo ay ku jiraan 40 madaxda dowladaha ayaa sidoo kale shirka ka qeygalaya, kaas oo ku soo aadday sannad-guurradii boqollaad ee hey’adda shaqaalaha adduunka.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa ayaa muddada uu shirka socdo waxaa uu ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saarayo shaqo la’aanta ka jirta dalka , sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaam shaqooyin u abuuraya muwaadiniinta iyo shaqo abuuro loo helo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir, Sadiiq ayaa sidoo kale dedaal ugu jira sidii ay Soomaaliya dib ugu soo ceshan lahayd xubnimada ururka shaqaalaha adduunka loogana cafin lahaa deyn lagu leeyahay dalka muddo dheer taas oo ah dhaqaalo ay ururka ku taageeran sannad walba dowladaha xubnaha ka ah. Waxaa kalo uu kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda dalalka caalamka iyo wakiillada kale ee shirka ka qeybgalaya.

Shir weynaha shaqada caalamka ee maanta Geneva ka furmay ayaa socon doona illaa 21-da bishan June.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip