Ra"iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Wafdigii Ay Horkaceysay Mrs. Ine Eriksen Søreide.

0
Monday June 10, 2019 - 19:50:31 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra"iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Wafdigii Ay Horkaceysay Mrs. Ine Eriksen Søreide.

    Wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Søreide ayaa maanta booqasho ku timid magaaladda Muqdisho, halkaasi oo Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo qaar kamid ah golaha wasiirrada ay ku dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Søreide ayaa maanta booqasho ku timid magaaladda Muqdisho, halkaasi oo Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo qaar kamid ah golaha wasiirrada ay ku dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Aadan Cabduule.


Wasiirka arrimaha dibadda Norway ayaa soo dhawaynta kadib, waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre.

Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

Khayre ayaa warbixin ka siiyey wasiirada xaalada guud ee dalka iyo dedaalka ay xukuumadiisu ugu jirto xoojinta heyadaha dowlada.

Ine Marie Eriksen Søreide oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celisay soo dhawaynta loo sameeyay, ayaa ammaantay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ku tillaabsatay, isbedellada iyo dib-u-habeynta ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka waddo hay’adaha dowladda si dalku u gaaro dib-u-kabasho dhamays-tiran waxaa ay sheegtay in weli Soomaaliya ay haystaa caqabado hase yeeshee ay horumar muuqda ay ku tillaabsatay, jiilka cusub ee dalka uu soo kacayna ay rajo cusub abuureen..

Norway ayaa qayb ka ah wadamada Soomaaliya ka taageera nabadayta, barnaamijyada horumarinta iyo bini’aadninimada, Sidoo kale shirkado shidaal oo laga leeyahay Norway ayaa heshiis la galay dowladda federaalka Soomaaliya.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip