Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Norwey iyo Wafdi Ay Horkaceyso oo Gaartay Muqdisho -Sawirro

0
Monday June 10, 2019 - 17:31:53 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Norwey iyo Wafdi Ay Horkaceyso oo Gaartay Muqdisho -Sawirro

    Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Norway Ine Eriksen Soreide ayaa maanta booqasho hal maalin ah ku timid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Norway Ine Eriksen Soreide ayaa maanta booqasho hal maalin ah ku timid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.


Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Wasiirada ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana kulan ku yeeshay gudaha Garoonka.

Kulanka labada dhinac ayay uga hadleen xoojinta xiriirka labada dal, Iskaashiga iyo arrimaha muhiimadda gaarka u ah hoggaamiyeyaasha labada dal.

"Waxa aan maanta garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ku soo dhoweeyay Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide oo Booqasho ku timid dalka” ayuu yiri Mahdi Guled oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebook.

Ine Marie Eriksen Søreide ayaa la filayaa iney la kulanto mudada ay dalka joogto Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumada Somalia, iyagoo ka wada hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya.

Norway ayaa ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu heysto dhalashada dalkaas, horayna madax uga soo noqday Hey’adda NRC.

Booqashadeeda ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Norway ay xilligan saameyn ku leedahay arrimaha shidaalka Soomaaliya, isla markaana dhowaan la ansixiyay Sharciga Batroolka oo muran badan ka taagan yahay, kaddib markii ay diideen maamul goboleedyada.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip