Ciidamada Dowladda oo Howlgal Ka Wada Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo.

0
Monday June 10, 2019 - 13:13:47 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda oo Howlgal Ka Wada Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo.

    Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ururka 49-aad, Guutada 10-aad qeybta 43-aad ayaa howlgallo baaxad leh ka sameeyay degaanno ka tirsan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ururka 49-aad, Guutada 10-aad qeybta 43-aad ayaa howlgallo baaxad leh ka sameeyay degaanno ka tirsan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.


Howlgalladan ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen inay kula wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo oo ay horay ugu sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybtiisa 43-aad, Dhamme, Cali Maxamed Xasan, ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ka saareen deegaano ka tirsan degmada  Baardheere ee dhaca Webiga labadiisa geddi.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in howlgalladan ay soo socdeen illaa Tobankii dambe ee Bisha ramadaan, iyagoo Shabaab ka saaray 35 km oo isku weer ah, halkaas oo ay Maamuli jireen.

Tuulooyinka Bakal, mataanaha iyo Buurweyn, oo ah goobihii ugu dambeeyay ee cadowga laga fara maroojiyay ayuu sheegay taliyuhu in ay Shacabka halkaasi ku dhaqan aad usoo dhaweeyeen.

Howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka waxaa ay sheegeen in si isku mid ah ugu socdo Gobolada dalka oo dhan, waxaana horay ugu dhowaaqay madaxda ugu sarreeysa Dalka, kaas oo haatan maraya meel wanaagsan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip