Qatar oo Heshay Qeybtii ugu Horeysay ee Diyaaradaha Dagaalka Rafale ee Faransiiska -Sawirro

0
Thursday June 06, 2019 - 19:39:25 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 92
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qatar oo Heshay Qeybtii ugu Horeysay ee Diyaaradaha Dagaalka Rafale ee Faransiiska -Sawirro

    Dowlada Qadar ayaa soo bandhigtay diyaarado dagaal casri ah oo ay kasoo iibsatay dowlada Faransiiska, waxaana diyaaradahan casriga ah dhawaan la geeyay dalka Qadar si loogu qalabeeyo ciidankeeda cirka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Qadar ayaa soo bandhigtay diyaarado dagaal casri ah oo ay kasoo iibsatay dowlada Faransiiska, waxaana diyaaradahan casriga ah dhawaan la geeyay dalka Qadar si loogu qalabeeyo ciidankeeda cirka.


Diyaaradahan dagaalka ee Qadar soo iibsatay ayaa waxaa farsameesay dowlada Faransiiska, waxaana diyaaradahan oo lagu magacaabo Rafale lagu soo bandhigay munaasabad ka dhacday magaalada Doha.

Illaa Shan diyaaradood oo ah nooca Rafale ee uu sameeyay Faransiiska ayaa ka degay magaalada Doxa, taasoo lagu qalabaneynayo Ciidamada cirka ee Qatar.

Munaasabada lagu soo bandhigayay diyaaradaha casriga ah waxaa kasoo qeyb galay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al Thani , Wasiirka Gaashaandhigga dalka Qadar iyo masuuliyiin kale.

Diyaaradahan dagaal ee dowlada Qadar soo bandhigtay ayaa gaarayay ilaa 5-diyaarad oo casri ah, waxaana dowlada Faransiiska dalkeeda tababar kusoo siisay duuliyaasha diyaaradahan oo katirsan ciidamada Cirka ee dalka Qadar.

Qatar ayaa waxaa weli saaran cunaqabateynta ay ku soo rogeen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn, kaddib markii sanadkii 2017 ay xiriirka u jareen.












Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip