Midowga Yurub oo Dib u Billaabay Mushaarka Ciidamada Booliska Koofur Galbeed.

0
Thursday June 06, 2019 - 09:56:01 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub oo Dib u Billaabay Mushaarka Ciidamada Booliska Koofur Galbeed.

    Dowlaha Midowga Yurub iyo dalalka Jarmalka Ingiriiska ayaa dib u bilaabay mushaaradka ay siin jireen Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed,kaas oo ay u joojiyeen sababao la xiriiray rabshadihii dhimashada sababay ee ka dhacay Baydhabo,kadib xarigii Muqt

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlaha Midowga Yurub iyo dalalka Jarmalka Ingiriiska ayaa dib u bilaabay mushaaradka ay siin jireen Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed,kaas oo ay u joojiyeen sababao la xiriiray rabshadihii dhimashada sababay ee ka dhacay Baydhabo,kadib xarigii Muqtaar roobow.


War-Saxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay Todobo bilood, kadib Midowga Yurub uu dib u bilaabay mushaaraadkii Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed uu siin jiray,kuwaas oo hakad galay.

Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay ilaalinta iyo dhowrista xaquuqda Aadanaha,iyada oo ay xusid mudan tahay in Rabshadihii ka dhacay Baydhabo ee khasaaraha geystay ay dalalka Midowga Yurub ku tilmeen xasuuq Shacab.

Ugu dambeyn Midowga Yurub ayaa waxaa ay sheegeen in taakuleynta Ciidamada Booliska ay sii wadi doonaan,si ay uga qeyb qaataan sugida Amniga deegaanada Dowlad goboleedyada.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka oo ku qoran Luuqada Inglish-ka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip