Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Shacabka Garoowe La oogey Salaadda Ciidul Fidriga -Sawirro

0
Tuesday June 04, 2019 - 16:39:46 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Shacabka Garoowe La oogey Salaadda Ciidul Fidriga -Sawirro

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa salaadda ciidul Fidriga garoonka kubadda cagta Mira Awaare kula oogey shacabka Garoowe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa salaadda ciidul Fidriga garoonka kubadda cagta Mira Awaare kula oogey shacabka Garoowe.


Kusimaha Madaxweynaha waxaa kala qayb galay salaadda ciidda masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, isumo, cuqaal, nabadoo, waxgarad iyo shacab weynaha caasimadda.

Madaxweyne Karaash oo la hadlay shacabka Puntland ayaa ugu horayn markale ugu hambalyeeyey maalintani weyn shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sidoo kale Rabbi uga mahadnaqay nimcada wanaagsan ee uu ummaddiisa ku manaystay, isagoona uga tacsiyeeyey eheladii iyo qaraabadii dadkii ku waxyeeloobey roobabkii da’ay.

Sidoo kale Kusimaha Madaxweynuhu wuxuu shacabka Puntland ugu baaqay inay ka qayb qaataan dedaalka dib looga dhisayo wadada halbowlaha ah ee isku xirta dalka oo dhan, taas oo ku bur-burtay roobabkii da’ay.

"Maanta Soomaaliya oo dhan waa kala xidhantahay wadooyinka go’ay awgood, waxaan ku dedaalaynaa inaanu si deg deg ah wax uga qabano, waxaan shacabkana ka codsanayaa inay kaalintoodii saliimka ahayd ka qaataan”. Ayuu yiri Madaxweyne Karaash.

Dhinaca kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka iyo shacabka gobolka Sanaag, gaar ahaan ciidanka ka biyo diidey duulaanka maamulka Hargaysa, waxaana uu fariin adag u diray maamulkaasi.

"Waxaan u hambalyaynayaa ciidamada reer Sanaag ee guusha soo hooyey, hambalyo baan leeyahay ciid wanaagsan, waxaan Alle ka rajaynayaa in ciidamo kale oo la midana inay ku daydaan, rajo badan baan ka qabnaa. Puntland cadaw badan bay leedahay mid gudaha ah iyo mid xuduudaha ahba, gudaha waa nimankaa nabaddiidka ah, waa ku jirnaa dagaalkooda, dabar-goyntooda inta yar ee hadhay waa in ay reer Puntland oo dhammi meel uga soo wadajeestaan” Ayuu yiri Madaxweyne Karaash.

"Dhulkeenii waa lagu soo duulay, Sanaag baa u dambaysey waataa lasoo galay, iyagoo halkaa jooga ayuu Muusa Biixi leeyahay nabadgelyaan rabnaa, intuu ku jiro dalkeena "WAA LA TAHAY” baan leeyahay, ma dhacayso nabadi, mana suurtoobayso, waxaan leenahay xuduuddaadii tag hadaa nabaddoonayso, nabad waa rabnaa, weligayona waa ka shaqaynayney” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland.

Image may contain: 3 people, people smiling, people sitting


Image may contain: 5 people, crowd, sky and outdoor

Image may contain: 5 people, people smiling, shoes, child and outdoor

Image may contain: 5 people, people smiling, outdoor

Image may contain: 9 people, shoes and outdoor

Image may contain: 5 people, people smiling, people sitting and outdoor

Image may contain: 8 people, shoes and outdoor

Image may contain: 6 people

Image may contain: 4 people, people sitting

Image may contain: 9 people, people smiling

Image may contain: 4 people, crowd and outdoor

Image may contain: 2 people

Image may contain: 1 person, sitting and outdoor

Image may contain: 1 person, outdoor

Image may contain: 1 person, on stage and outdoor

Image may contain: 2 people, outdoor

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and wedding



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip