Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar oo Sheegay in Soomaaliya Loo Cadaadinayo Xiriirka Ay La Leedahay Qatar.

0
Monday June 03, 2019 - 13:57:28 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 75
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar oo Sheegay in Soomaaliya Loo Cadaadinayo Xiriirka Ay La Leedahay Qatar.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in dalalka xayiraada ku saaray dalkiisa ay bilaabeen inay dalalka Gobolka cadaadis ku saaraan inay iyaga ka soo horjeestaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in dalalka xayiraada ku saaray dalkiisa ay bilaabeen inay dalalka Gobolka cadaadis ku saaraan inay iyaga ka soo horjeestaan.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegay in dowladdiisa ka aamustay oo aanay taageerin go’aanadii ka soo baxay Shirarkii degdega ahaa ee ka dhacay Magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarama oo ay yeesheen Hoggaamiyeyaasha Carabta, Ururka Islaamka iyo Shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka.

Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in go’aanada qaar ee shirka aan lagala tashan, sidaas darteed ay iyaga qeyb ka aheyn.

Waxaa uu shirkiisa ku soo hadal qaaday in Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo ee xayiraada ku soo rogay dalkiisa ay cadaadis ku hayaan dalalka Gobolka, isagoo xusay in Soomaaliya loo cadaadinayo xiriirka ay Qatar la leedahay.

"Dalalka na saaray xayiraada waxay ku cadaadinayaan dalalka gobolka, inay anaga naga soo horjeedaan, sida Soomaaliya oo loo cadaadinayo xiriirka ay nala leedahay”ayuu yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay khilaafka Khaliijka, kaddib markii dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xiriirka u jareen Qatar, kuna eedeeyay inay taageerto Argagixisada.

Hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa loo arkaa inay u janjeerto dhanka Qatar oo ah taageeraha ugu weyn, waxaana Madaxda dowladda sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, iyo Mas’uuliyiinta kale ay dhowr jeer booqdeen dalkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip