UNSOM Oo Dib U Soo Celinaysa Xiriirka DFS, Kadib Cayrintii Ergaygii Hore ee QM.

0
Thursday May 23, 2019 - 13:49:34 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UNSOM Oo Dib U Soo Celinaysa Xiriirka DFS, Kadib Cayrintii Ergaygii Hore ee QM.

    Ku-xigeenka Hawlgalka QM ee Taageeradda Somalia (UNSOM),Raisedon Zenenga waxa u uxalay u sheegay Golaha Ammaanka ee QM inay dib u soo celinayaan Xiriirkii ay la lahaayeen DFS, kadib, markii ay DFS horey u cayrisay Ergaygii Khaaska ee Xoghayaha Guud e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku-xigeenka Hawlgalka QM ee Taageeradda Somalia (UNSOM),Raisedon Zenenga waxa u uxalay u sheegay Golaha Ammaanka ee QM inay dib u soo celinayaan Xiriirkii ay la lahaayeen DFS, kadib, markii ay DFS horey u cayrisay Ergaygii Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia.


Waxa uu sheegay inay horumar wanaagsan ka sameeyeen dib-u-soo-celinta xiriirkaasi, inkastoo uu tilmaamay inay jiri karaan caqabado iyo inay weli jiraan qoddobo tijaabo u noqon kara Xiriirkaasi.

Ku-xigeenka Hawlgalka QM ee UNSOM,Raisedon Zenenga waxa uu hoosta ka xariiqay inay wada hadaladu meel wanaagsan marayaan, marka loo eego xaalladii jirtay bilowgii sannadkan.

Dhinaca kale, Wada-xaajoodyadii uu la yeeshay Ra’isul-wasaaraha DFS, Xasan Cali Kheyre ayuu ku sheegay inay yihiin kuwo wax dhisaya, tan iyo wixii ka dambeeyey booqashadii uu Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Siyaasadda, Romsemary DiCarlo ku yimid Muqdisho bishii Feberaayo ee sannadkan.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Ra’isul-wasaare Kheyre sheegay inay xoojinayaan Xiriirka QM, lana shaqeyn oonaan Ergayga Qm ee la soo magacaabi doono.

DFS waxay bishii Janaayo 1-dii ee sannadkan dalka ka cayrisay Ergaygii hore ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, ahaana Madaxii Hawlgalka UNSOM, Nicholas Haysom, kadib, markii la sheegay inuu yahay Shaqsi aan laga jeclayn Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, QM oo galangal Diplomaasiyadeed u gashay inay DFS ka laabato cayrintaasi ayaa ku fashilantay Soo-celintiisa, waxayna bishii Janaayo 4-dii ku dhawaaqeen inay Ergay cusub soo magacaabi doonaan, waxaana xilkaasi sii haya Ku-xigeenkii Ergaygii la cayriyey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip