Nin Doonayay isku Qarxiyo Munaasabad Ay Lahaayeen Ahlusuna oo La Qabtay -Sawirro

0
Thursday May 23, 2019 - 13:37:35 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Doonayay isku Qarxiyo Munaasabad Ay Lahaayeen Ahlusuna oo La Qabtay -Sawirro

    Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay Maanta ka hortageen,isla markaana ay fashiliyeen Nin isku-soo xiray waxyaabaha qarxa kaas oo doonayay in uu isiu qarxiyo goob ay ku sugnaayeen Madax ka tirsan Maamulkaas oo ku taalla degmada Guriceel ee Gobolka Gal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay Maanta ka hortageen,isla markaana ay fashiliyeen Nin isku-soo xiray waxyaabaha qarxa kaas oo doonayay in uu isiu qarxiyo goob ay ku sugnaayeen Madax ka tirsan Maamulkaas oo ku taalla degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.


Ninkan ayaa la sheegay inuu ka soo gudbay baaritaanka, waxaana ninkan oo soo galay hoolkii ay fadhiyeen Madaxda uu isku dayay inuu isku qarxiyo, balse ay u qarxi weyday, waxaana isagoo jaakadii qaraxa u xirneyd la xarbinayay ka hortagay Ilaalada Ahlusuna oo isku duubay, garba duubna u xiray.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlusuna ay ninkan ka fureen jaakadii qaraxa uu xirnaa, isagoo laga saaray goobtii uu doonayay inuu isku qarxiyo

"Nin ordayey oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa laga qabtay mar uu ku dhawaaday goob madaxda gaariga ka raacayeen kadib markii Munaasabadda Shuhadda ay soo idlaatay,basle askari naftiisa huray ayaa ku booday ninka doonayay in uu is qarxiyo ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Galmudug.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay Ciidamada Ahlusuna oo ninkan ku hareereysan, isla markaana gacmaha iyo lugaha ka hayay.

Munaasabadda uu doonayay inuu ninkan isku qarxiyo ayaa waxaa ku sugnaa Madaxda Ahlusuna, sida Hoggaamiyaha Guud ee Ahlusuna Macalin Maxamuud, Sheekh Maxamed Shaakir Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Sheekh C/risaaq Al-shcari

Ahlusuna ayaa sanad walba 17-ka Ramadaan waxay qabtaan Munaasabad ay ugu magac dareen Maalinta Shuhadada oo ay ku xusaan dagaalyahanadii uga geeriyootay dagaaladii ay la galeen Al-Shabaab 10 sano ka hor.









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip