Kenya oo Ka Walaacsan in Ciidankeeda Jooga Kismaayo Lagu Bedelo Ciidamo Kale oo Ka Socda Dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

0
Thursday May 23, 2019 - 13:24:34 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo Ka Walaacsan in Ciidankeeda Jooga Kismaayo Lagu Bedelo Ciidamo Kale oo Ka Socda Dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

    Waxaa meel xun maraya xiisada siyaasadeed ee xiligan u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana arimahan sabab looga dhigayaa damaca Kenya ee ku aadan in dowlada Soomaaliya ka tanaasusho dacwada muranka Badda ee labada wadan u dhaxeeya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa meel xun maraya xiisada siyaasadeed ee xiligan u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana arimahan sabab looga dhigayaa damaca Kenya ee ku aadan in dowlada Soomaaliya ka tanaasusho dacwada muranka Badda ee labada wadan u dhaxeeya.


Wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya ayaa faalooyin badan ka qoray xiisada siyaasadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxa ayna Wargeysyada u muuqdaan qoraaladooda kuwa uga sii daraya xiisada siyaasadeed ee hada taagan.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray warbixin uu ku sheegay in danaha Kenya ee Soomaaliya xiligan halis ku jirto, waxa uuna arintaasi ku eedeeyay in ay ka dambeyso Madaxtooyada Soomaaliya.

The Star ayaa yiri "Madaxweyne Farmaajo si cad ah uma sheegin inuu ka xun yahay Kenya, balse qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa qoraya in Saraakiishiisa sare ay wada hadalo kula jiraan Turkiga, Qatar, Itoobiya iyo Eritrea, si ay u taageeraan dhaq dhaqaaqyadooda milateri si Jubbaland loogala wareego Ciidamada Kenya.

Sida uu qoray Wargeyska waxaa jira walaac soo baxaya oo ku aadan in ay socdaan qorshe ciidamada Kenya looga saarayo magaalada Kismaayo laguna bedelayo ciidamo kale oon AMISOM qeyb ka aheyn balse ka socda dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Wargeyska ayaa sheegay in Taliye ku xigeenka Nabad Sugidda Fahad Yaasiin  oo heysta Baasaboor Kenyaan ah uu bilihii la soo dhaafay wadahadal kula jiray dowladaha Itoobiya iyo Eritrea oo uu doonayo in Ciidamo aan ka mid ahayn AMISOM ay geeyaan  Kismaayo.

Fahad Yaasiin ayaa hoggaaminaya wada xaajoodkaas, sida Wargeysku yiri "Fahad Yaasiin Madaxa Sirdoonka Soomaaliya ayaa hoggaaminaya Wada xaajoodka Kooxda, wuxuu heystaa Baasaboor Kenyan ah, Laamaha Amniga waxay sheegeen inuu u adeegsado si uu ugu kala safro Caalamka”

Waxa uu qoray Wargeyska in ciidamadan ka imaanaya dalalka Itoobiya iyo Eritrea la qorsheenayo in ciidamada Kenya kala wareegaan baraha muhiimka ah ee Kismaayo sida garoonka Diyaaradaha iyo Dekadda.

Wargeyska ayaa qoray hadii uu hirgalo damaca Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin in ay sahleyso in meesha laga saaro Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe sidoo kale ay halis gali karto danaha Kenya ee Soomaaliya.

"Maamulka Farmaajo waxay doonayaan in hoos loo dhigo AMISOM joogitaankeeda Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland, wararka waxay sheegayaan in Farmaajo doonayo in Eritrea iyo Ethiopia soo galaan Soomaaliya, kyadoo ay jirto heshiis labada dhinac ah oo banaanka ka ah waajibaadka AMISOM”ayuu yiri Wargeyska.

Waxa uu sidoo kale qoray Wargeyska in Madaxweynaha Soomaaliya, Taliye ku xigeenka NISA, saraakiil ka tirsan NISA oo kala ah Cabdullahi Kulane iyo Zakariye Ismaaciil ay ka shaqeynayaan sidii Jubaland looga saari lahaa ciidamada Kenya.

Wargeyska ayaana xusay in dowlada Itoobiya ay aqbashay qorshayaashan socda si ay u hesho dekadda Kismaayo, waxa ayna Kenya shaki bada ka qabtaa in ciidankeeda lagu bedelo kuwa Itoobiya iyo Eritrea ka socda.

Khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Somalia iyo Kenya ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Kenya ay dooneyso dhul badeedka lagu mursan yahay ee ay Soomaaliya leedahay la wareegto, ka hor go’aanka Maxkamadda Caalamiga ee Hague oo la filayo in Kenya ay guuldaro kala kulanto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip