Dowladda Britain oo Ku Baaqday in La Soo Magacaabo Wakiilka QM ee Soomaaliya.

0
Thursday May 23, 2019 - 13:15:26 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Britain oo Ku Baaqday in La Soo Magacaabo Wakiilka QM ee Soomaaliya.

    Wakiilka joogtada ah ee Dowladda Uk u jooga Qaramada Midoobay Danjire Karen Pierce ayaa dalbatay in si deg deg ah loo soo Magacaabo Wakiilka QM ee Soomaaliya ,xilli ay ka hadleysay kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ka yeesheen Arrimaha dalka So

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka joogtada ah ee Dowladda Uk u jooga Qaramada Midoobay Danjire Karen Pierce ayaa dalbatay in si deg deg ah loo soo Magacaabo Wakiilka QM ee Soomaaliya ,xilli ay ka hadleysay kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ka yeesheen Arrimaha dalka Soomaaliya.


Tallaabadaan ayaay ku sheegtay in looga gol leeyahay in dib loo soo celiyo wadashaqeyntii dowladda Federaalka iyo QM,isla markaana Soomaaliya ay xilligaan ku jirto waqti adag oo u baahan in laga gudbo.

Danjiraha Dowladda Britain u joogta Golaha Ammaanka ee QM, Karen Pierce ayaa Madaxda Dowladda Federaalka waxaa ay ugu baaqday inay xooga saaraan dhinacyada, Amniga, xasilooni Siyaasadeed iyo mid dhaqaale kana faa’iideysato fursadaha jira.

Sanadka soo socda ayay sheegtay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah u leedahay,isla markaana lagu kala ogaan karo in marka la gaaro sanadka 2020/2021 ay dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah oo Madaxda Dowladda Soomaaliya ay balan qaadeen.

Waxaa ay ku ammaantay Madaxda dowladda Soomaaliya inay horumar ka gaareen Arrimaha,Dhaqaalaha, dib u habeynta Hay’adaha amniga iyo Siyaasada,wallow xilligaan dalka uu marayo meel xasaasi ah lagana soo gudbay xaalado siyaasadeed oo qaarkood aan wanaagsaneyn.

Si kastaba hadalkaan kasoo yeeray dowladda Uk ayaa kusoo aadaya xilli mudo laga joogo in ka badan 5 Bilood aysan Soomaaliya wax Wakiil ah u joogin Qaramada Midoobay,kadib markii dowladda Soomaaliya ay dalka ka ceyrisay Wakiilkii xiligaas ee Danjire Nicholas Haysom.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip