Qaramada Midoobay oo Ugu Baaqday Somalia In Wax Laga Qabto Deganaansho La'aanta Siyasaadda.

0
Tuesday May 21, 2019 - 13:01:39 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay oo Ugu Baaqday Somalia In Wax Laga Qabto Deganaansho La'aanta Siyasaadda.

    Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayaa hadalkaasi ku sheegay Warbixin Cuusb uu xalay u gudbiyey Golaha Ammanaka ee QM, wuxuuna xusay inay Somalia samaynayso Horumar, balse loo baahan yahay in wax laga qabto Deganaanshaha La'aanta Siyasaadee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayaa hadalkaasi ku sheegay Warbixin Cuusb uu xalay u gudbiyey Golaha Ammanaka ee QM, wuxuuna xusay inay Somalia samaynayso Horumar, balse loo baahan yahay in wax laga qabto Deganaanshaha La'aanta Siyasaadeed, Musuqa, Colaadaha Xag-jirnimadda, Colaadaha Hubeysan iyo waxa uu ugu yeeray Argagixisadda.


Antonio Guterres waxa kale oo uu ku xusay Warbixintiisa inay jiraan caqabado waxyeeleyn kara guulaha tababrta daran ee la gaaray, cabsi-gelina ku ah horumarka.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in xaalladda Ammaanka ee Somalia weli tahay mid qaraxyo leh, muddadii u dhexeysay bartamihii bishii December ee sannadkii hore ilaa bilowgii bishan May.

Warbixinta Cuusb ee Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxaa lagu muujiyey in bilihii March iyo April ee sannadkan goobjoog loo ahaa inay kordheen weeraradda ka dhaca Muqdisho, iyadoo shilalka waxyaabaha qarxa maalin kasta ka dhacaan Muqdisho.

Wxaa uu farta ku fiiqay in bishii March ee la soo dhaafay ay 77 weerar ka dhaceen guud ahaan Somalia, isla markaana ay ahayd bisha keliya ee ugu sarreysa ee ay dhaceen weeraradii ugu badnaa guud ahaan tan iyo sannadkii 2016-kii.

Antonio Guterres ayaa sheegay in arintaasi ay cadeyn u tahay tababar yarida dowladda Soomaaliya, isagoo caddeeyay in hal bil weeraro intaas la eg ay dalka ka dhacaan ay ugu dambeysay sanadkii 2016, xilligaas oo ay dalka ka talineysay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh oo waqti kala guur ah ku jirtay.

"Arrintan waxey muujineysaa tababar yarida dowladda, waana wax laga xumaado in bilihii April iyo Maarso ay weeraradii ugu badnaa Kooxaha argagixisada ah ay ka geystaan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, farsamada ugu badan ee Al-Shabaab hada adeegsato waa Miinooyinka” ayuu yiri Guterres.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutters ayaa dhinaca kale sheegay dowladda haatan dalka ka jirta ay ku fashilantay la dagaallanka argagixisada, ka hortagga, xasilooni la’aanta siyaasadeed iyo la dagaallanka musuq maasuqa.

Balse waxa uu qiray in dib u dhiska hay’adaha dowliga ah horumar laga sameeyay laga soo bilaabo 8-dii February sanadkii 2017, xilligaas oo la doortay madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyn Antonio Guterres ayaa sheegay inay kordheen weerarada dhinaca Cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dagaalada ay qaadayaan Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM, tiiyoo ay sii dheer tahay howlgalada laga sameeyo dalka, gaar ahaan Caasimada.

Dhinaca kale, Warbixinta cusub ee uu Xoghayaha Guud ee QM u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM waxa uu kaga hadlay xaalladda saboolnimadda iyo cunto-yarida soo wajahday Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in Bangiga Adduunka ay ku qiyaaseen inay dadka Soomaalida 77% ku nool yihiin wax ka yar hal dollar iyo 90 senti ($1.90) maalintiiba.

 
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip